HomeKu Dayashada Dhaqan Shisheeye Waa Lagu Duloobaa - W/Q: Mustafe Maxamed Nuur...

Ku Dayashada Dhaqan Shisheeye Waa Lagu Duloobaa – W/Q: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Saamayn bulsheed oo dhaqan-beddel ah ayaa bulshooyinka Soomaalida loogu soo waaridaa ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro.

Tan iyo markii waddankeena ay ku soo bateen tiknoolajiyada casriga ahi, waxaa kor u kacday wax ka ogaanshaha dadyowga ku caan-baxay ciyaaraha, aflaanta iyo heesaha ka socda dunida, arrimahaasina waxay si fudud inoogu habeen in la inoo qurxiyo dhaqano salka ku hayo dhaqmo iyo diimo kale, ficiladaas la soo waaridayo waxaa ugu badan kuwa inagagga socda ciyaaryahannada iyo fannaaniinta.

blankTartanada Ciyaaraha Somaliland ka socda ee Gobollada, ciyaaryahannada qaarkood waxa aad ka dheehan kartaa isu eekaysiin dhinacyada timaha, dharka iyo xarakaadyada la sameeyo haddii gool la dhaliyo ama la guulaysto, waxa ay ku dayanayaan ciyaaryahannada aan muslimka ahayn ee dalalka caalamka ee ay ka daawadaan telefiishannada. Xarakaadyadaas dhammaantood ama magacyadaasi waxaa markhaati ma doon ah in ay dadyowgaas shisheeye ugu fadhiyaan macne ay aad u garanayaan.

Qaramada addunyaddu waxay ku faan-faanaan oo muuneeyaan’ isla markaana quluubta ubadkooda iyo kaydadka dhiganayaashooda ku xardhaan magacyo laga soo min guuriyay caqiidada ay aaminsanyihiin oo ay ugu weyntahay diintoodu.

Diinta Islaamka oo dadkeenu boqolkiiba boqol ay haystaan, magacyada ugu badan ee ummaddeenu la baxaan waa Muxamed oo ah magacii Nabigeenii udgoonaa ee Allaah dunida u soo direy NNKHA, waana magac aynu ku weynaynayno diinteena, kuna hiigsanayno wanaagyadii badnaa ee uu ku sifoobay Nabigeenu NNKHA. Magacyada kale ee aynu la baxno waxaa ka mid ah magacyadii badnaa ee tilmaamayay sifooyinkii suubanaheena NNKHA oo aad u badnaa iyo magacyo kale oo Qur’aanka Kariimka ah Allaah koreeye e uu ku sheegay Anbiyadiisii iyo shaqsiyaad ku sifoobay wanaag.

Magacyada ay Soomaalidu ku muuneeyaan sifooyinkooda wanaagsan ee dhaqan ama Agab iyo Hidde badankoodu waxay xambaarsan yihiin tilmaamo qeexaya qurux, nabad-doon, xoolo ogaan, deeqsinimo, magan, ragganimo ama xilliyo soo maray oo barwaaqo iyo badhaadhe lagu xusuusto, sidoo kale Deegaannada iyo Nimcooyinka Allaah ku galladay ayay ugu labeeyaan magacyadaas.

Haddii aan qaar ka mid ah soo qaadno waxaa ka mid ah Warsame, Haybe, Ceebla, Suuban, Liibaan, Samaale iyo qaar kale oo badan.

Ummaddeenu waa dad soo jireen ah oo ku soo caano maalay dhaqan quruxsan oo isaga soo gudbay Ab ilaa ab, kaas oo diinteena Islaamka inoo kala saartay waddada lagu liibaanaayo iyo wadiiqada lagu hoogayo.

Bulshadeenu waxay u baahantahay in laga diyaar garoobo isbeddellada ummadeed ee xawaaraha ku socda, kaas oo haddii aan la daraasayn ama da’yarteena aan loo kaydin dhiganayaal lagu jeclaysiiyo hor-moodkoodii ku suntanaa wanaagyada, hibooyinka iyo wixii ummadeenu qiimayn jireen ina dhaxal siin doona umad asal ahayn

Aqooyahanadeena waxaa looga fadhiyaa in ay dhallinyarteena aanay ka aamusin ee ay naqdiyaan marxaladahan ina soo wajahay iyo dhaqamadan loo hanqal taagayo si aynu u noqono umad ilaashata diintooda iyo dhaqankoodii aynu ku soo caano maalay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories