HomeKOW HOOYOOYINKEEN, KA DIB ABOYAASHEEN!

KOW HOOYOOYINKEEN, KA DIB ABOYAASHEEN!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qiimaha waalidku ku lee yahay nolosheena waa mid aan la qiyaasi Karin, waalidku nolosheena waxaa uu ku leeyahay inta badan adamigu waa ogsoon yahay balse waxaa aad iyo aad iskaga xilqaadaa waa dadka ALLAH(swt) ka cabsada ee rumeysan maalinta xisaabta dambe.Dadka islamka ahi intooda badan waa ay og yihiin kaalinta waalidka ee qaaliga ah,xaqa iyo waajibaadka ubadka ka saran waalidkood, gaar ahaan markey gabooban,xanuunsadaan,ama dhibaato kaleba ku timaato.

Nolosha xiliyadan oo adag,ama kala fogaanshaha degaan ee waalidka iyo ubadkoodu gaar ahaan dadka somaliyeed oo ku kala faafay dunida dacaladeed ayaa laga yaabaa kuwo badan oo inaga mid ahi ay ka mashquulisay ka warhaynta waalidku uu aad u yaraaday.Aad bay u khatar badan tahay in aanu ilowno waajibaadka inaga saran ilaalinta iyo daryeelka waalidkeen mar kasta iyo meel kastana.Baryada waalidka waa mid Allah (swt) aqbalo oo aanu soo celin marka ay Ilmahooda uduceenayaan.Maahmaah Somaliyeed ayaa waxay tahay : Saddex lagama Kaco habaarkooda,Waxaana ka mid ah saddexdaa HABAAR WAALID.

Suubanaheenii nebi Maxamed (scw) wuxuu yidhi ,“wuu duloobey,wuu duloobey, oo wuu duloobey qofka waalidkii ku soo gaadhay iyaga oo gaboobey, mid ahaan ama labada ba ee aan ku gelin Janada”,waxaa soo wariyey xadiiskan Muslim.Xadiiskan waxaa aynu ka faaiideysanaynaa in hadii labada waalid ama midkood ku soo gaadhid nolol iyaga oo gaboobey oo aanad ka soo bixin xilkii waalid nimo ee kaa saarnaa sidaana aanad agtooda kaga muteysan in aad ku gasho janada inaad ka mid noqotey kuwa duloobey maalinta lakala saarayo Adoomaha Allah(swt).Allah(swt) waxaanu ka baryeynaa in aanu Inagu darin kuwaas hoogay ee uu nebigu (scw) inooga waramey Aamin Yaa Allah.

U fiirso Walaalayaal hadalka Allah (swt) “Wuxuu faray Eebahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan labadii waalid samo falid, hadduu ku gaadho agtaada wayni midkood ama labaduba ha ku dhihin uf,hana canaanan kuna dheh hadal fiican.Una raarici(jilci) garab naxariiseed( u naxariiso) Dhehna Eebow ugu naxariiso siday ii koriyeen Anoo yar.AL_Isra (17:23,24)

Labadaada Waalid waxaa waajib inagu ah in aanu u samafalno,ku odhano hadal wanaagsan oo naxariis leh,ogaano xaalkooda hoose,oo aynu mar walba ka fikirno,qaadano nasteexadooda,la tashano,la sheekeysano kana dhigano saaxiib dhow,xidhiidhino asxaabtooda, haday dhinteen iyo haday nool yihiinba, u samafalo dadkay u sama fali jireen markey noolayeen oo aynu ogaano.

Waalidkagu marka uu kugu ag goboobo ama xanuunsado waa fursadii aad ku geli lahayd janada ama cadaabka oo gurigaaga dhex joogta ee walaal ka faa’iideyso kuna dadaal sida aad jano ugu gelilahay samafalka waalidkaa.Qoysaska is qaba (ninka iyo Ooridiisa),waxaa ku waajib ah in ay labaduna si isku mid ah u wada xanaaneeya afartooda waalid,ama inta markaa nolol ay ku soo gaadhaan. Waa in aynu ogaanaa hooyadu inay kaalinta kowaad ay lee dahay oo ay ka horeyso aabaha. Waxaa kuu cadaynaya xadiiskan soo socda.

Xadiis ku sugan Bukhaari iyo Muslim ayaa waxaa laga soo wariyey in nin u yimi rasuulka Allah(scw) uuna waydiiyey Su aal,  ‘ rasuulkii Alle oow waa kuma dadka ka ugu wanaagsan ee aan saaxiib ka dhigtaa? Wuxuu ugu jawaabey Hooyadaa, Markale ayuu ninkii weydiiyey isla su’aashii ,waxaa uu rasuulku ugu jawaabey hooyadaa, ninkii mar sedexaad ayuu weydiiyey isala su’aashii nebiga, nebiguna wuxuu ugu jawaabey Abaha’, Wallayaal neftayda iyo tiinaba waxaa aan idinku dardaarayaa in aynu wanaajino,ogaano,lana socono waalidkeen xaalkiisa kuwa dhinteyna aynu u duceyno,sadaqada u bixino, kuwa noolna aynu mar walba ka farxino kana  war hayno.

Waad mahadsantihiin dhamaan

Waa inoo Jimcaha dambe iyo waano kale hadii Allah(swt) ogolaado.F/G wixii aan qalday waa aniga iyo  aqoonteyda gaaban ee Alle Ayaan cafis weydiisanaya idinkuna waa itoosin doontaan.

M J Farah  IND. Political analyst and writer

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories