HomeKormeerayaasha Caalamiga ah oo Ammaanay Qaabka ay u dhacday Doorashada Somailand

Kormeerayaasha Caalamiga ah oo Ammaanay Qaabka ay u dhacday Doorashada Somailand

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankHargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Goob-joogeyaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay qaab xor iyo xalaal ah u dhacday Doorashooyinka Isku lammaan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee shalay ka dhacday dalka.

Goob-joogeyaasha oo ka socday macadka The Brenthurst Foundation oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ahaa kormeerayaal Caalami ah oo Somaliland u yimi inay kormeeraan qaabka ay u dhacayso doorashada goleyaasha Wakiiilada iyo deegaanka.

Agaasimaha The Brenthurst Foundation Dr. Greg Mills ayaa si guud ah warbaahinta ula wadaagay warbixin dheer oo ay ka so saareen Qaabkii ay shalay u dhacday doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo wakiillada, isagoo sheegay inay soo kormeer ku sameeyeen goobo badan oo ku kala yaala gobolada dalka kuwaas oo ay ku soo arkeen sida ay dadku codkooda u dhiibanayeen.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaado dhacdooyin yaryar oo goobaha qaar ka dhacay sida goobaha oo aan hore loo bilaabin shaqada in doorashadu ay ahayd mid hufan, dimoqraadi ah oo sidii la rabay u dhacday.

“Tani waa doorashadii 8-aad ee si dimuqraadi ah uga dhacda Somaliland, waxay sii xoojiysay nidaam dimuqraadiyadeed oo ka tisqaaday gobol aan lagu aqoon dimuqraadiyadda,” Sidaas ayuu yidih Dr Greg Mills, waxaanu intaas ku daray, “Waa inay dunidu aqoonsataa oo waliba Afrika taageertaa”.

Waxa kale oo goob joogeyaashaasi ay warbixintooda ku sheegeen in goobolihii kala duwanaa dhammaan gobolada dalka ee ay kormeerka ku soo mareen ay ku soo arkeen waxyaabo yar-yar oo aan waxba u dhimin habsami u socodka doorashada, se ay si guud doorashadasi ahayd mid u qabsoontay hannaan wanaagsan.

 

Agaasimaha xarunta The Brenthurst Foundation Dr. Greg Mills, waxa uu nuqul ka mid ah warbixintaas oo ka koobnayd toban bog oo ay ka soo saareen doorashooyinka Somaliland ku wareejiyeen guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali oo madasha ku sugnaa.

Ugu dambayn guddoomiyaha komishanka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) ayaa goob joogeyaashaas uga mahadceliyay sidii ay u qiimeeyeen doorashooyinkaas isku sidkan ee ka qabsoomay Somaliland Isniintii shalay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories