HomeKormeerayaasha Caalamiga ah Doorashooyinka Somaliland oo Iska Xaadiriyey Goobaha Cod-bixinta

Kormeerayaasha Caalamiga ah Doorashooyinka Somaliland oo Iska Xaadiriyey Goobaha Cod-bixinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Koox ka kooban 12 qof oo ka mid ah Kormeerayaasha Caalamiga ah ee dusha kala soconaya Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo gunaanaday qiimayn ay ku sameeyeen maalmihii ololaha doorashada, waxaanay isla maanta ka xaadireen Goobaha Codbixinta Doorashada Isku-sidkan ee maalinta Berri looga dareerayo guud ahaan dalka.

blankKormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka ayaa dalka ku yimid casuumad ay ka heleen GuddidaDoorashooyinka Qaranka iyaga soo si madax bannaan u kormeeri doona hannaanka doorashada Somaliland.

Kormeerayaashan waxa maal-geliyay Dawladda Ingiriiska, laakiin shaqo ahaan waa qaar ka madax bannaan isla markaana caalami ah. Kormeerayaasha waxa isku soo dubba riday Waaxda Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL. Kormeerayaashu waxa ay raacaan Heshiiska Caalamiga ah ee Kormeerka Doorashooyinka, kaas oo qeexaya in ay kormeerkooda u sameeyaan si dhexdhexaadnimo ah oo aan cidna u xaglinaynin.

Doorashooyinkani waxa ay u taagan yihiin dimuqraadiyadda ka hir gashay Somaliland: dib u dhacyo ku yimid doorashooyinka ka dib, waa markii ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose la isku daray. Kormeerayaal caalami ah oo muddo kooban joogi doona isla markaana ka kala yimid dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, Niyuusiilaan, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya ayaa kormeerayay ololaha iyo u diyaar garowga doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada. Waxa ay sidoo kale kormeeri doonaan codaynta, tirinta iyo isu geynta codadka ee goobo kala duwan oo Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Hargeysa, Berbera, Burco iyo Borama.

Kormeerayaasha Caalamiga ahi waxa ay sii wadi doonaan in ay kormeeraan hannaanka doorashada oo ay ku jirto isu geynta codadka iyo shaacinta natiijada, iyo sidoo kele hannaanka maaraynta khilaafaadka haddiiba ay yimaaddaan. Kormeerayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixin iyo talooyin ku wajahan doorashooyinka kale ee soo socda taas oo soo bixi doonta afar bilood ka dib doorashada.

Warbixinta ugu dambaysa ee Kormeerayaashu waxa ay is dul taagi doontaa doorka falanqaynta ballaadhan ee kormeerayaasha ee ka durugsan kormeerka maalinta cod bixinta. Tusaale ahaan, waajibaadka Kormeerayaasha waxa ka mid ah in uu qiimeeyo Xeerka guud ee cusub ee Somaliland ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo sida loo hirgeliyay. Qaybaha kele ee lagaga hadli doono waxa ka mid ah Qaab-dhismeedka Warbaahinta, Sida looga qayb geliyo Haweenka, Dadka laga tirada badan yahay, iyo dadka laxaadka la’ iyo sidoo kele doorka ay ururrada bulshadu ka qaateen.

Professor Michael Walls, Madaxa Korjoogayaasha Caalamiga ahi waxa uu yidhi: “Iyada oo ay tahay doorashadii ugu horraysay ee la isku daro golaha wakiillada iyo dawladaha hoose, fursaddan ah in lagu doorto wakiillada oo ah mid soo daahday ka dib markii ay dhamaatay muddooyinkii loogu talagalay waa mid muhiim u ah bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, waxa aanu goob-joogayaal ku leenahay goobaha muhiimka ah ee Somaliland, annaga oo kormeerayna ololaha doorashada, dhawaana

kormeeri doonna codaynta, tirinta iyo isu gaynta natiijada. Annaga oo ah qaar madax bannaan, isla markaana ay maal-gelisay Dawladda Ingiriisku, kana kooban kormeerayaal iyo qiimeeyayaal ka kala socda afar qaaradood, waxa aanu sii wadi doonnaa in aanu u shaqayno si ka madax bannaan ururrada kele, waxaannuna eegi doonnaa shuruucda, xeerarka doorashooyinka iyo sida loo hirgeliyo. Waxa aanu xiisaynaynaa hannaanka ee ma eegayno natiijada doorashada oo ah go’aan ay leeyihiin dadka codaynayaa”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories