HomeKooxdii Xisbiga UCID ka dal-doorsaday oo Dil-dillaac siyaasadeed dhex hoganayo iyo Waqaf...

Kooxdii Xisbiga UCID ka dal-doorsaday oo Dil-dillaac siyaasadeed dhex hoganayo iyo Waqaf oo muujiyey cabasho la mid ah tabashadii Faysal C Waraabe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Aadan Maxamed Mire “Waqaf” oo ka mid ah kooxdii iska casilay xisbigii ay ka tirsanaayeen ee UCID ayaa bayaamiyey khilaaf iyo kala duwanaansho aragti siyaasadeed oo ka dhex dilaacday mawqifkii ay ku midaysnaayeen isaga iyo kooxdii uu hoggaaminayey.

blank
Mid ka mid ah Hoggaanka Garabyada UCID

Aadan Waqaf oo Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga warramay sababta wakhtigan keentay inay durba kala boodaan isaga iyo kooxdiisa, waxa uu ku dooday inuu xubnihii kooxdiisa kala kulmay aragtidii kala fogaysay isaga iyo Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, waxa uu Waqaf ku sheegay war-saxaafadeedkiisa in isaga iyo xubnihii kale ay markii hore isku raaceen furashada urur-siyaasadeed ay ku midaysan yihiin, balse haatan koox ka tirsan xubnihii ay isku af-kaarta ahaayeen la yimaaddeen aragti-siyaasadeed oo shaksi gaar ah ku dhisan, sida uu sheegay.

Warsaxaafadeedka uu Waqaf wakhtigan xaadirka ah madiga ku noqday ayaa u dhignaa sidan:

“Sida aynu la wada socono dhammaan xubnihii hoggaanka, fulinta iyo golaha dhexeba waxay iska casileen xubinimadoodii Xisbi-siyaasadeedka UCID iyagoo ku qancay in nidaamka, qawaaniinta iyo dimuqraadiyada xisbiga gudihiisu aanay ahayn wax suurto-gal ah ka dib markii taas ay ka hor yimaadeen koox yar oo uu hoggaaminayay guddoomihii aanu mudada badan soo wada shaqeyneyney, Md. Faysal Cali Waraabe.

Intaas ka dib, xubnihii tirada badnaa ee aannu markaa iska wada casilnay urur-siyaasadeedkaas ayaa wada-tashiyo, doodo iyo falanqayn ka dib goostey inay aasaasaan urur-siyaasadeed ay ku midaynayaan aragtidooda siyaasadeed isla markaana ay ugu kuur-galayaan ka midho-dhalinta ahdaaftooda siyaasiga ah ee ku wajahan horumarinta iyo taabo-galinta dalkeena JSL. Anaga ujeedadayadu markaas waxay ahayd inaanu samayno qaab-dhismeed urur-siyaasadeed kaas oo damaanad qaadaya xaqa xubnaha isla markaana ah dimoqraadiyad si afkaartiisa iyo talladiisa dadku u wada yeeshaan oo aanay cid gaar ahi tunka u ridan. Hannaankaas hawshaasi noogu socotey waxaa mar kaliya gaagixiyey oo ka leexiyey jidkii toosnaa ee la isku ogaa damac u eeg kii aanu ku kala tagnay Faysal Cali Waraabe.

Koox ka mid ah intii aanu hawsha wada wadnay ayaa iyagoo aan wax cudur-daar ah u hayn isku dayeen inay afduubaan hawlihii siyaasadeed ee noo dhexeeyey iyagoo la yimid qorshe lagu doonayo in lagu aasaaso urur-siyaasadeed talladiisu ku urursan tahay shakhsi. Haddaba arrintani runtii waa mid ii cuntami wayday oo aan maan-gal ahayn isla markaana ka durugsan wixii aanu ku doodaynay oo ahaa waxaanu rabnaa Xisbi lagu dhan yahay, talladiisana loo siman yahay isla markaana ay dimoqraadiyada iyo wada tashigu ka hanoqaadeen dhexdiisa.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda u cadaynayaa in aanan ka mid ahayn urur-siyaasadeedka ay saaxiibaday furayaan kaasoo aan u arko inaanu ka tarjumayn mabaa’diidii salka u ahayd inaanu ka baxno urur-siyaasadeedkayagii hore, oo aanu umadda u keeno mid ka duwan kii hore qaab-dhismeed ahaan iyo hoggaan ahaanba.

Shacbiga Somaliland dhammaantii waxaan leeyahay waxaad igu ogaataan inaan u taagnaado tisqaadka iyo taabo-galka dimoqraadiyada ku dhisan dhaqankeena iyo wadatashiga ee horseedaysa horumar dhaqan-dhaqaale oo lagu reeyo.

Waxaan dhammaan muwaadiniinta damacsan inay isu-habeeyaan urur-siyaasadeedyo kula talinayaa inay aragtidooda balaadhiyaan isla markaana ay yagleelaan isu-tagyo siyaasadeed oo loo dhan yahay kana madaxbanaan nin jecleysi, dano gaar ah, qabiil iyo wax kasta oo aan la jaanqaadayn ahdaafta guud ee umadda JSL.”

Khilaafkan cusub ee ka dhex dillaacay Waqaf iyo Kooxdiisa ayaa u muuqda mid ka yimi aragti kala duwan oo ku kala fogaysay han siyaasadeed daaha dabadiisa laga hagayo oo sida uu Waqaf sheegayo Shakhsi kaliya ku kooban, waxaanay tani sababaysaa in layska weydiin karo, ‘Waqaf ma awrka ayuunbaa lagu kacsanayey’ mise fekerkiisa siyaasadeed ayaa kaligii gaar ku noqday?

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories