Home“Kooxda Kubadda Koleyga Ee IFTIN Ee Wasaaradda Wabarshadu Sannad Gudihii Ayay Guulo...

“Kooxda Kubadda Koleyga Ee IFTIN Ee Wasaaradda Wabarshadu Sannad Gudihii Ayay Guulo Badan Ku Gaadhay” Tabobare Abiib

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Macallinka kooxda kubadda koleyga IFTIN ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abiib Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay kooxdaasi soo martay, waxaanu xusay tabobaruhu in kooxda oo muddo sannad ah jirtay ay gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo.Abiib

Tabobare Abiib Maxamed Xasan waxa uu sheegay in kooxda kubadda koleyga ee wasaaradda waxbarashadu ay ku guulaysatay koobkii xuska 18-ka May ee sannadkii hore, isla markaana ay xilliga derajo ahaan la siman tahay, kooxaha Gaashaan iyo Asluubra oo tobaneeyo sanno jiray.

Tabobare Abiib waxa uu tilmaamay in kooxda IFTIN ay tayo ahaan dhisan tahay, isla markaana waxa uu mahad-naq ujeediyay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aaden oo uu sheegay inay aasaaskeeda lahayd xilligay ay ahayd wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ilaa haddana ay kooxda garab taagan tahay.

Tabobaraha kooxda kubadda koleyga IFTIN ee wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare oo ugu horeyn ka hadlaya aasaaskii kooxda waxa uu yidhi. “Kooxda kubadda koleyga ee IFTIN ee wasaaradda waxbarashadu waxay jirtay muddo sannad ah, guulaha la taaban karo ee kooxdu gaadhayna waxa ka mid ah koobkan imika socda xuska 18-ka May ee sannadkii oo ay qaaday, labadii kooxood ee hore jiray Asluubta iyo Gaashaan way la siman yihiin, kuwaasoo jiray muddo dhawr iyo toban sannadood ah, kooxdayaduna ay jirtay muddo sannad ah oo keliya guushuna ay naga dhexayso.”

Macalinka kooxda IFTIN, oo ka hadlaya waxyaabaha ay koox ahaan hiigsanayaan waxa uu yidhi. “Waxyaabaha aanu hiigsanayno waxa ka mid ah inaanu noqono kooxaha ugu horeeya ee dhinaca kubadda koleyga, dhawaan markii ay Somaliland ka qayb galaysay wareeggii bariga iyo badhtamaha Afrika waxa kooxdayada ugu jiray todoba ciyaartoy, waxaanu ku han-weynahay inay ciyaartygayagu ay noqdaan tobanka ugu horeeya ee tartannada caalamiga ah ka qaybgalaya.”

Ugu dambayn waxa uu sheegay Abiib Maxamed Xasan inay koox ahaan uga mahad-naqayaan wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aaden oo uu tilmaamay in hore iyo haddaba ay garab taagan tahay kooxda. “Runtii caawimada iyo wixii aanu u baahano dhamaantood waxa noo qabata Marwo Samsam Cabdi Aaden oo iyadu kooxdan alkuntay, waananu u mahad-naqaynaa wasiirka. Sidoo kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Cabdixakiim Sanyare oo qayb weyn ku lahaa dhismihii kooxda, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo Axmed Carab tabobarihii xulkii qaranka Soomaaliya.”

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories