HomeKooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa waxa ay burburisay macbad taariikhi ah oo...

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa waxa ay burburisay macbad taariikhi ah oo ku yaal magaalada Palmyra oo lagu magacaabo Baalshamin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Siiriya(SLpost)-Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa la wareegtay magaalada Palmyra bishii May ee sanadkan, arrintaasi oo sare u qaadday cabsida laga qabay in kooxdani ay burburiso mid ka mid ah xarumaha ugu waa weyn aathaartii hore ee dunida.

Kooxdani ayaa waxa ay horay u burburisay gooba badan oo qadiimi ah oo ku yaal gudaha dalkaasi Ciraaq. Madaxa aathaartii hore ee dalka Suuriya Ma’muun Cabdulkariim, ayaa sheegay in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay qarxisay macbadka Baalshamin oo ay burburisay.

Dadka deegaanka oo isaga carraray magaaladaasi ayaa sidoo kale sheegaya in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay walxa qarxa ku rakibeen macbadka, inkastoo ay arrintaasi sameeyeen bil ka hor, sida laga soo xigtay, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya. Magaalada Palmyra ayaa caan ku ah goobaha taariikhiga ah ee Giriigga iyo Romaniyiinta.

Macbadkan haatan la burburiyay ayaa waxaa la dhisay 2000 oo sano ka hor. Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Dowladda Islaamiga ah waxa ay soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahanadooda oo burburinaya waxa ay ku tilmaameen waxyaabo qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaalada Palmyra.

Tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadeen dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kaddib markii ay kooxdu dishay nin muddo afartan sano ka badan ka soo shaqeynayay goobaha qadiimiga ah ee magaalada Palmyra.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories