HomeKooxda DAACISH oo Nolosha ku Gubtay Duuliye u dhashay Dalka Urdun

Kooxda DAACISH oo Nolosha ku Gubtay Duuliye u dhashay Dalka Urdun

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Amman (SLpost)- Kooxda ISIS ee ka talisa Qaybo ka tirsan dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ayaa nolosha ku gubay Duuliye Diyaaradeed oo u dhashay dalka Urdun, kaas oo gacanooda ku jiray dhowrkii todobaad ee u dambeeyey.

Duuliyahan oo magaciisa la odhan jiray Moaz al-Kasasbeh, ayaa watay diyaarad ka mid ah diyaaraha Isbaahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee dagaalka kula jira Kooxda ISIS, kuwaas oo waddanka Jordan iyo dalalka kale oo Carbeed ku jiraan, waxaanu kooxda ISIS u gacan-galay bilowgii December ee sannadkii hore kaddib markii diyaaraddii uu watay kula dhacday deegaan ka tirsan dhulka ay kooxdaasi ka taliso.

jordan Pilot (2)Muuqaal Video ah oo Kooxda ISIS ku baahisay baraha Internetka, waxa lagu arkayey Duuliiyaha oo lagu xidhay Qafas shabaq ka samaysan, dabadeedn isaga oo nool dab la qabadsiiyey.

Warkan oo caawa Fiidkii laga baahiyey Telefishannada dalka Urdun, waxa lagu sheegay in Duuliye Kasasbeh oo 26-jir ah ay kooxda ISIS dishay bil ka hor, balse immika la baahiyey muuqaalka dilkiisa, kaddib markii sida la sheegay uu fashilmay shuruud ay kooxda ISIS uga dhigtay sii-deyntiisa in dawladda Urdun ay xabsiga ka sii deyso haweenay u dhalatay dalka Ciraaq oo magaalada Caasimadda ee Amman ka fulisay qaraxyo dad badani ku dhinteen, taas oo dawladda Urdun oo dedaal dheeraad u gashay samato-bixinta duuliyaha ay ka dhega-adaygtay in la sii daayo haweenaydaas oo lagu magacaabo Sajida al-Rishawi.

Boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Amman ee caasimadda Urdun, ayaa markii warkani soo baxay isugu baxay shaaracyada magaaladaas, iyada oo dalbanayey in laga aar-goosto cidda dishay Duuliyaha oo dhalasho ahaan ka soo jeeda mid ka mid ah qabiillada ugu tunka weyn Haashimiinta dalka Urdun, kuwaas oo taageersan boqortooyada dalkaas.

jordan Pilot (1)Boqorka dalka Urdun, Boor Cabdalle, ayaa ku tilmaamay duuliyaha geesi u dhintay dalkiisa iyo waxa uu rumaysan yahay, waxaanu shacabka dalkiisa ku boorriyey inay u midoobaan cadowgooda oo uu ku tilmaamay inay yihiin kooxda ISIS.

Dalka Urdun oo ka mid isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee duqeynta dhinaca Cirka ah ku haysa kooxda ISIS, ayaa ku hawlanayd badbaadinta Korneyd Kasasbeh, iyaga oo sheegay inay dhaafsanayaan haweenay u dhalatay dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Sajida al-Rishawi, taas oo sannadkii 2005-tii loo qabtay Qaraxyo dad badani ku dhinteen oo lala beegsaday Hotel ku yaala magaalad Ammaan ee dalka Urdun.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories