HomeKooxda Daacish Oo Askar Ka Tirsan Puntland Ku Gowracday Gobolka Bari

Kooxda Daacish Oo Askar Ka Tirsan Puntland Ku Gowracday Gobolka Bari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Kooxda Daacish ayaa maydka seddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland soo dhigtay jidka dheer ee isku xidha degmada Qandala iyo Bosaaso ,waxaana sida la sheegay askartan ay ahayeen kuwa la gowracay.

Askartan ayaa ku jiray dad dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubatay Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso , waxaana adag in xog dhamaystrian laga helo sababaha keenay in askarta la bireeyo.

Dadka deegaanka oo aan xidhiidh la samaynay ayaa inoo sheegay in seddex-dan askari ay qayb ka ahaayeen askar ay dhawaan Puntland u dirtay Qandala si ay uga xoreeyeen kooxda Daacish oo muddo bil ah maamulaysay degmadaas.

“Walaal maydkooda waxaa la soo dhigay deegaanka Karin , dadku wali ma aqoonsan wajiyadooda balse waxa ay ku labisnaayeen dharka ciidanka “ ayuu yidhi Saxane Jaamac oo khadka Taleefanka ugu waramayay Hiiraan Online oo aanu warkan ka soo xiganay

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay la soo daristay cabsi badan oo ku aadan in kooxda Daacish ay qaad-do talaabooyin ka dhan ah cid walba oo horey maamulka ula soo  shaqaysay ,iyadoo wali degmada Qandala ay joogaan ciidamo ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga gobolka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan dilka loo gaystay askarta ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamo loo diray halka maydadka sedexdan qof la soo dhigay

Ugu danbayn ,kooxda Daacish ayaa wali gacanta ku haysa tiro kale oo ka tirsan ciidamada Puntland ,kuwaasi oo ku jiray 13 qof oo dhawaan kooxdu afduubatay ,lamana og in ay gowracayaan iyo in kale.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories