HomeKooxda Boko Haram oo mar kale Af-duubtay Tobanaan Dumar ah

Kooxda Boko Haram oo mar kale Af-duubtay Tobanaan Dumar ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Lagos (SLpost) Malleeshiyaad hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, ayaa Woqooyiga-Bariga Dalkaas ka af-duubay 20 Dumar ah, halkaas oo ay laba bilood ah ka hor ka af-duubteen 200 oo hablood oo Arday ah.

abukorGoobta uu Af-duubku ka dhacay oo ah deegaanka ku yaala Dhulka magaalooyinka ka durugsan ee gobolka Borno, waxa weeraray maleeshiyaad hubaysan oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Boko Haram, kuwaas oo kaxaystay 20 haween ah oo la sheegay ina dhammaantood yihiin hooyooyin guryahooda lagala baxay, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa mid ka mid ah hoggaamiye-dhaqameedka deegaanka falku ka dhacay.

“Wararka aanu haynaa waxay sheegayaan inay koox dablay ahi abbaaro Duhurkii ka af-duubeen tuulada Garkin Fulani 20 haween ah, waxaanay tuulada kaga tageen saddex nin oo dhalinyaro ah si ay u ilaaliyaan inaanay cidi ka daba-tegin,” sidaa waxa AFP u sheegay Urur deegaanka ka hawl-gala, waxaanay intaas ku dareen, “Ragga deegaanku waxay ku maqnaayeen duurka oo waxay la joogeen lo’dooda markii afduubku ka dhacay tuulada.”

Ilaa immika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda af-duubkaas, mana jiro raad muujinaya goobta la geeyey hooyooyinka guryahooda laga kaxaystay, haseyeeshee waxa jira warar is-khilaafsan oo ka soo baxaya tirada rasmiga ah ee dumarka la kaxaystay.

Sarkaal ka tirsan Dallad ay ku bahoobeen dadka dhaqda Lo’a ee Qabiilka Fulani, ayaa isagu tiradooda ku sheegay inay gaadheen ilaa 40 isla markaana la saaray baabuur aan ilaa immika la aqoonsan goobta ay u dhaqaaqeen.

“Afduubka haweenka ee noocan ah oo madax-furasho laysweydiisto way ka jirtaa deegaanka, ilaa aanu lo’dayada madax-furasho u bixinno, lama sii deynayo, laakiin dadka deegaanku waxay ka cabsi qabaan inay ka hadlaan. maxaa yeelay kooxaha Islaamiyiintu way ka aar-goosanayaan,” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Af-duubka noocan ah ee lagu sameeyo haweenka Qabiilka Fulani ee dalka Nigeria oo inta badan madax-furasho lagu doono, ayaa la sheegay inay fuliyaan malleeshiyaad ku gaashaan baabuurta dheereysa ee milatarigu isticmaalaan, kuwaas oo marka ay tuulooyinka tagaan u sheegta inay yihiin Askarta dawladda, waxaana qaabkan oo kale lagu afduubay 200 oo hablood oo ka baranayey dugsi ku yaala deegaanka Chibok ee gobolka Borno oo ku yaala Woqooyi-bariga dalka Nigeria.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories