Home“Kooxaha kubadda ciyaaraa way is yaqaanaan, kooxda soo badin jirtayna waa la...

“Kooxaha kubadda ciyaaraa way is yaqaanaan, kooxda soo badin jirtayna waa la yaqaan” – KULMIYAHANNO QURBEJOOG AH OO HARGEYSA LAGU SOO DHAWEEYEY

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan laanta magaalada Stockholm ee dalka Sweden uu ku leeyahay xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa oo ay soo gaadheen maanta.

Wasiirro, agaasimayaal iyo masuuliyiin ka mid ah xisbal-xaakimka oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa madaarka diyaaradaha ee Cigal ku qaabilay Guddoomiyaha Laanta Stockholm ee xisbiga KULMIYE Maxamuud Ibraahim Muxumed iyo Xoghayaha garabka haweenka laantaasi ee xisbiga KULMIYE Xaliimo Cali Xasan oo socdaal shaqo ku yimi dalka.

????????????????????????????????????

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo madax kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abiib Aw Axmed oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Cigal, ayaa ku soo dhaweeyey dalkooda hooyo masuuliyiintan oo ay ku tilmaameen xubno firfircoon oo shaqo adag oo xisbiga ah iyo mid qaranba ka haya dalka ay ku nool yihiin ee Sweden.

“Xisbiga KULMIYE waxaannu Ilaahay ka rajaynaynaa ama boqolkiiba 90% ku kalsoonahay sidii caadada iyo dhaqanka u ahaan jirtay inuu guulaysan doono, waayo kooxaha kubadda ciyaaraa way is yaqaanaan, kooxda soo badin jirtayna waa la yaqaan, waxaannuna rajaynayaa in maalinta doorashada uu guusha ugu badan soo hoyn doono KULMIYE.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse.

Waxa kaloo uu ammaan u jeediyey Xoghayaha garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE Xaliimo Cali Xasan oo uu xusay inay door wayn ka qaadato horumarinta dalka, gaar ahaan dhanka caafimaadka oo ay dhawr jeer hore dawooyin iyo qalab caafimaad soo gaadhsiisay qaar ka mid ah cusbitaallada waawayn ee Somaliland.

????????????????????????????????????

Dhinaca kale, xubnaha xisbiga ee dalka yimi ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey oo ay ku macneeyeen sharaf iyo qadarin la huwiyey oo aanay weligood iloobi doonin.

Guddoomiyaha Laanta Stockholm ee xisbiga KULMIYE Maxamuud Ibraahim Muxumed, ayaa sheegay in waxqabadka ay dalka ka samaysay xukuumadda xisbiga ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo tilmaan u tahay guusha KULMIYE ee mar labaad uu ku hoggaamin karo Somaliland, waxaannu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa muddadii uu xilka hayey uu sameeyey waxqabad la taaban karo oo lagu faani karo, kaas oo dhan walba leh sida madaarkan diyaaradaha ee aan joogo oo siduu shalay iyo maanta yahay aynu aragno, waddooyinkii, caafimaadkii iyo xafiisyadii dawladda, taasina waxay ku kordhisay oo ay yididiilo galisay quluubta shacabka Somaliland, waxaanay ina tustay in wax la qabsan karo. Waxa kaloo ay waddada u sii xaadhay in mar labaad xisbiga KULMIYE ku guulaysto talada dalka sidaanu rajaynayno Isha Allaah.”

“Arrinta kale ee xiisaha leh waxa weeye in halyeygeenii waynaa ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo aad ogaydeen taarkhiikhda uu dalka ku leeyahay hadday tahay doorkii uu ku lahaa halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyey, hadday tahay dhismihii waddanka, nabadayntii, hub-ka-dhigistii iyo maalmihii adkaa oo dhan buu ka soo qaybqaatay, xataa xisbiga KULMIYE intii uu mucaaradka ahaa wuxuu ahaa xubnihii ugu adadkaa oo uu si naf-hurnimo ah uga soo qaybqaatay. Waxaannu leenahay Muuse annaguna sidii si le’eg ayaanu kuu garab taaganahay, kursiga kaydka ayuu noo fadhiyey laakiin isagoo dardartiisa iyo xamaasaddiisaba qaba ayuu hoggaanka u qaban doonaa dalka Madaxweynaheenna dabadii Isha Allaah,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Ibraahim.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories