HomeKoox Qawlasato ah oo Caawa Weerar ku Galalafay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee...

Koox Qawlasato ah oo Caawa Weerar ku Galalafay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Ogaal ku leeyahay Hargeysa iyo Ujeeddada lala xidhiidhiyey Duullaankooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

jaliyaddaHargeysa (SLpost)- Koox hubeysan ayaa caawa weerar ku qaadday Xarunta Wargeyska Ogaal ee Magaalada Hargeysa.isla markaana khasaare gaadhsiiyay qaar ka mida qalabka Wargeyska, waxaanay la dagaalameen qaar ka mida hawl-wadeennada ka hawl-gala xarunta Wargeyska Ogaal oo wakhtigaas goobta ku sugnaa.

Lama garanayo sababta ka danbeysay weerarkoodan, iyo waxa ay doonayeenba,hasa yeeshe waxay u muuqdeen rag abaabul oo ay ciddi soo adeegsatay, Nin lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Saleebaan iyo Nin kale oo lagu magacaabo Xasan Fool oo hawl-wadeennada Wargeyska ka aqoonsadeen Kooxda Soo weerartay, ayaa markii ay xarunta galeen ku dhawaaqeyey isla markaana weydiiyey innamadii goobta ku sugnaa Cidda Tifaftiraha ka ah, sida ay sheegeen hawl-wadeennada Ogaal oo u warramay Somalilandpost.net

Saleebaan Maxamed Saleebaan oo kooxda ku jiray, ayaa markii ay soo galeen ku dhawaaqayey, weedho ay ka mid yihiin waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega?”, sidaa waxa yidhi mid Wariyaha u warramay Somalilandpost.

“Waxa uu nagu yidhi “Bal Car wakaase wax ka qora dawlada. Car waakaase wax qoraXirsi iyo ereyo kale oo ay isku dhadhan ahaayeen kuwaas,” ayuu Wariyuhu intaas ku daray hadalkiisa.

Waxa uu sidoo kale wariyuhu sheegay inay waydiiyeen Guddoomiyaha Wargeyska Muuse Faarax Jaambiir iyo Maareeyaha Wargeyska Cabdiweli Faarax Jaambiir oo iyagu aan wakhtigaas ku sugnayn Xarunta.

Sida ay sheegeen hawl-wadeennada Wargeysku, Kooxda Weerarka ahayd, ayaa galalafay Xafiisyada wargeyska iyaga oo dhaawacyo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah qalabkii yaalay xarunta, waxaanay hanjabaad iyo cago-juglayn ah u geysteen Hawl-wadeennadii ku sugnaa xarunta oo uu ka mid yahay Tifaftiraha Wargeyskaas Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.

“Waxay u hanbayeen, ‘Car wakaase dawlada wax a qor ILAAHAY ayaa nin ka dhigaye iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen hadaad laba lugood oo danbe is-daba dhigto,” sidaa waxa Somalilandpost u sheegay Cabdifataax Ismaaciil Kooxdani ugu hanjabtay inay waxyeello u geysan doonaan haddii uu Wargeysku wax ka qoro Xukuumadda, sida uu sheegay.

Sida ay sheegeen hawl-wadeennada ka hawl-gala Xarunta Wargeyska Ogaal, Kooxda weerarka ahayd, ayaa qaarkood gudaha u galeen xarunta halka qaarna ay taagnaayeen kedinka hore,, isla markaana ay hubaysnaayeen oo mid ka mid ahi uu sitay Baaskoolad.

Ninka labaad ee Wariyeyaasha ku sugnaa Xaruntu aqoonsadeen oo lagu magacaabo Xasan Fool, ayaa la sheegay inuu sidan kale sannadkii 2009-kii isaga iyo koox uu wato weerar ku soo qaadeen Xarunta Wargeyska, wakhtigaas oo sida la sheegay wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii Daahir Rayaale u adeegsadeen weerarka ay ku qaadeen Wargeyska.

Wargeyska Xukuumadda u xayiran ee Hubaal, ayaa sidan oo kale wakhti habeennimo ah waxa weerar badheedh ah ugu qaaday laba nin oo ka tirsan ciidamada Qaranka oo ku hubaysnaa baaskoolado iyo budhadh, waxaanay dhaawacyo u geysteen guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Cabdi Jaamac (Calooley). Balse nasiib-wanaag, waxa lagu guulaystay in hawl-wadeennadii Wargeyska oo goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah labada nin ee duullaanka ku soo qaaday iyo hubkii uu sitay, halka kii kalena uu ka baxsaday. Waxaanay markii dambe u gacan-geliyeen ciidanka Booliska, balse markii uu muddo xidhnaa, isla markaana ayaa ninkaasna layska sii daayey, ka dib markii sida la sheegay la horgeeyey maxkamadda Ciidanka iyada oo aanay goobta ku sugnayn Dhibbaneyaashii weerarka loo geystay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories