HomeKootaliga ugu weyn Kiristaanku Muxuu ku yidhi Fariintiisii Muslimiinta ku jihaysnayd?

Kootaliga ugu weyn Kiristaanku Muxuu ku yidhi Fariintiisii Muslimiinta ku jihaysnayd?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berlin, (SLpost)– Wadaadka u sareeyaha mad-habka Kaatoliga ee Diinta Kiristaan Pop Benedict XVI oo socdaal ku maraya dalka Jarmalka ayaa maanta oo jimce ah kulan la yeeshay culimada Diinta Islaamka ee fadhigoodu yahay dalka Jarmalka waxaanu halkaa ka akhriyay khudbad waano iyo baaq toos ugu waajahn dadka islaamka ah xambaarsanayd.
Boob Benedict-ka lix iyo tobnaan oo khamiistii kulan la yeeshay wadaaddada Yuhuuda ee dalka Jarmalka waxa uu ugu baaqay Muslimiinta in ay ixtiraamaan diimaha kale, isla markaana ilaaliyaan wada noolaanshaha adoomaha Alle ee dunida ku wada dhaqan.
Pope Benedict XVI waxa uu sheegay in kaniisadoodu xaqdhawrayso adoomaha caalamka ku dhaqan iyo xaqa ay u leeyihiin aamisanaanta diinta iyo Mad-habta ay rabaan, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi, “Kaniisadayadu waxay ku dhaqmaysaa oo ka go’an ixtiraamka adoomaha ee diintooda.” Ayuu yidhi Benedict XVI
blankBoobka ugu sareeya kaniisada Kaatoligu waxa uu Muslimiinta ugu baaqay inay ixtiraam la mid ah ka kaniisadoodu u hayso aadamiga iyo waxa ay aaminsan yihiin dhinacooda laga helo, isagoo intaa ku daray in aan la kala faquuqin adoomaha Alle waa sida uu hadalka u dhigaye.
Boobka oo isku soo dhawaanshaha Muslimiinta iyo Kiristaanka ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay mid lagama maarmaan ah, waxaanu xusay in si loo hirgaliyo ay taa dhaqaajin karaan culimada iyo dadka diimaha ka masuulka ah, sidoo kale waxa uu tilmaamay in is jacayl loo badalo colaada iyo kala fogaanta.
Wadaadka ugu sareeya diinta Kiristaanku waxa uu tusaale u soo qaatay qoys aabe, Hooyo iyo caruurtoodi ka kooban oo kale in aadamigu yahay, markaa sida hooyada iyo aabuhu u tixgaliyaan rabitaanka iyo wanaaga ubadkooda looga bahan yahay culimada iyo wadaadada diimuhu inay isku tix galiyaan gaar ahaan kuwa islaamka iyo kiristaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories