HomeKoonfurta Suudaan oo Caasimadda Juba ka guuraysa

Koonfurta Suudaan oo Caasimadda Juba ka guuraysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Juba (SLpost)- Dawlada caalamka ugu da’da yar ee koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u shaacisay in caasimaddii hore ee Juba oo ahayd magaalo madaxdii ugu horaysay ee dalkaas dhawaan loogu wanqalay ay ka guurayso oo dalkaasi yeelan doono caasimadd cusub.

Caasimadda cusub ee dawlada Koonfurta Suudaan u guurayso, oo ku taal badhtamaha dalka ayaa lagu magacaabaa Ramchel waxaanay caasimaddii hore u jirtaa ilaa 200-km, sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawlada koonfurta Suudaan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xukuumadda Barnaba Marial.

Afhayeenka ayaa sheegay in shir golaha dawladu ku kulmay maalintii sabtidii oo uu guddoominayay madaxweynaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir lagu go’aamiyay meesha rasmi ahaan laga dhigayo caasimadda dalka Suudaan, si meesha looga saaro hadalada ku-tidhi ku teenta ah ee la isla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay.

Barnaba Marial afhayeenka xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa sababta caasimadda looga rarayo magaalada Juba sheegay inay ka dhalatay degaanadii magaaladu ku fidi lahayd oo ay gabi ahaanba ooteen oo ay xidheen qabiilka degaanka Juba leh ee lagu magacaabo “Albaraa” kuwaas oo wada hadalo dheer oo xukuumaddu la gashay ay ku dhamaadeen guul daro, natiijo rasmi ahna la isla gaadhi kari waayay, sidaa daraadeed la xaqiiqsaday in korodhka iyo baaxada magaaladu halis ku jirto.

Xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa wakhtiyadii u danbeeyay ku hawlanayd sidii qabiilka dega magaalada Juba loogu qancin lahaa inay dhul u baneeyaan dib u dhiska iyo dadka maal gashiga samaynaya ee doonaya inay magaalada soo degaan, hasa yeeshee Qabiilka Albaraa ayaa ku gacan saydhay codsigaas si adagna u diiday inay u hogaansamaan, taas oo ugu danbayntii dhalisay in gabi ahaanba laga guuro oo caasimadda dalka meel kale loo badalo.

Sida golaha xukuumadda koonfurta Suudaan isla qaatay ka guurista magaalada Juba ayaa socon doonta muddo sadex ilaa shan sanadood gudahood ah, waxaana caasimadda cusub ee Ramchel laga hir galin doonaa dhamaan dhismayaashii xukuumaddu ku shaqayn lahayd iyo kaabayaashii dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada si ay caasimadd rasmi ah u noqoto.

Baddelaadda caasimadda koonfurta Suudaan iyo dhego adayga qabiilka dega magaalada Juba ayaa dhaliyay su’aalo badan oo caalamku iska waydiiyo sida ay koonfurta Suudaan u noqon karto dal dimuqraadi ah oo kala danbaynta iyo maamul wanaagu ka hir galaan, maadama oo muddo sanad ka yar ay dhacayaan waxyaabahan oo kale.

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories