HomeKoonfur Afrika Oo Shaki Galisay Joogitaanka Al-bashiir Ee Johannesburg Iyo Mareykanka Oo...

Koonfur Afrika Oo Shaki Galisay Joogitaanka Al-bashiir Ee Johannesburg Iyo Mareykanka Oo Qabashadiisa Ku Baaqay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Johannesburg, (SLpost)-  Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa kordhisay amar madaxweynaha Suudaan ka mamnuucaya inuu dalkaasi ka baxo.Suudaan

Cumar Al-Bashir ayaa Koonfur Afrika kaga qayb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika.

Maxkamadda ayaa maanta la filayaa in ay dhageysato dacwad la xidhiidha in madaxweyne Al-Bashir loo dhiibi karo maxkamada dembiyada caalamiga ah (ICC) oo u haysata dacwada ah in uu geystay dembiyo dagaal iyo xasuuq.

Maxkamada ICC ayaa laba jeer oo hore jartay warqadii lagu soo xidhi lahaa madaxweyne Al-Bashir, waxaana hadda Koonfur Afrika ay ka doonaysaa inay u qabato.

Waaxda cadaallada ee Koonfur Afrika ayaa arrintaasi ka horjeeda, iyadoo la filayo in qareennada dawladdu ay maxkamada sare u sheegaan in madaxweyne Al-Bashir loo ogolaado inuu dalkiisa ku laabto.

Qareennada ayaa sidoo kale la filayaa inay ku doodaan in madaxweynaha Suudan uu Johannesburg ku joogo martiqaad uu ka helay Midowga Afrika, oo aanay casuumin dawladda Koonfur Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, Ibrahim al-Ghandour, ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweyne Al-Bashir uu shirka ka dib Suudaan ku laaban doono.

Koonfur Afrika oo martigelinaysa shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa waxaa soo waajahay xiisad diblomaasiyadeed, oo haddii uu Al-Bashir dalkaasi ka baxo ka hor go’aanka maxkamada, waxay taasi keenaysaa in cid uun loo qabsado ku jeesjeesida maxkamadda.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ku biirey wadamada ku baaqaya in ay Koonfur Afrika ay  xidho madaxweynaha Suudan Cumar Xasan AL-BAshiir,

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada  John Kirby ayaa sheegay in inkastoo Mareykanku aanu qayb ka ahayn waddamadii saxeexay Cahdigii Roma ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC, haddana ay si weyn u taageerayaan in qof walba lagula xisaabtamo  dembiyada xasuuq iyo kuwa dagaal ee uu galo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories