HomeKoobka Horyaalka Horyaallada Somaliland oo ka furmay Berbera iyo Madaxweyne Biixi oo...

Koobka Horyaalka Horyaallada Somaliland oo ka furmay Berbera iyo Madaxweyne Biixi oo ka Qayb-galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka kubbadda cagta horyaalka horyaallada Somaliland ee sannadka 2021-ka oo ka bilaabmay garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera.

Furitaanka tartanka horyaalka horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, wefti ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, madaxda xidhiidhka kubbadda cagta, dadweyne kala duwan oo daawaneyey iyo labada kooxood ee ay galabta ciyaarta furitaanku u dhexaysay, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada ciyaaraysay, laguna bogaadinayey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ee dedaalka ugu jirta iyo dalka ka hirgeliso tartanno kala duwan oo dhallinyaradu isku dhex gelayso.

blankWasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka ka hirgeliyaan ciyaaro kala duwan oo ay kor ugu qaadayaan isfahanka iyo isdhexgalka dhallinyarada dalka, islamarkaana ay dalka oo dhan ka hirgeliyeen tartammo kala duwan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor intii aanu tartanka Daah-furin halkaas ka hadlay, ayaa si guud u ammaanay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxana uu shacabka reer Berbera ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen kooxaha kala duwan ee ay martigelinayaan.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay muhiimada uu Dastuurka qaranku siiyey in dalka laga hirgeliyo ciyaaro kala duwan oo da’yarta dalka la isku dhexgelinayo, lagagana daweynayo belwedaha iyo ficillada liita ee dhallinyarada mustaqbalkooda curyaamiya,“Halkan waxan u imi waxa I faraya Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 15-aad faqraddiisa 8-aad waxa ay faraysaa xukuumadda iyo madaxweynaha inay hirgeliyaan oo ay taabbo-geliyaan ciyaaraha iyo Sport-ga si ay dhallinyaradu u noqdaan qaar ka kora jidhka iyo maskaxda, dhaqanka iyo aqoonta guudba, waana qodob Dastuuri ah ” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Tartanka horyaalka horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadka 2021-ka, ayaa waxa ka qaybgalaya 12 kooxood oo ka kala socda gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas horumar ballaadhan sameeyey sannadkan, islamarkaana qaarkood ku guulaysteen koobab kala duwan oo gobollada ay kasoo jeedaan lagu qabtay.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories