HomeKoob Shaah Lagu Cabbay oo Sahayn Kara Caafimaadka Bulsho Dhan

Koob Shaah Lagu Cabbay oo Sahayn Kara Caafimaadka Bulsho Dhan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Soomaalidu guud ahaan waa dad shaaha aad u caba, inkastoo ay jiraan meelo si gaar ah loogu xagliyo in ay ku sii daran yihiin cabitaanka shaaha. Waxa inta badan lagu arkaa xikmada iyo suugaanta Soomaalida shaaha sida ay u jecel yihiin. Waxa laga hayey nin ‘Shaah Wanaagiisu waa foosto ha lagu kariyo, baaldina ha lagu cabo.’

Shaah jacaylka Soomaalida waxa laga dheehan karaa hal-ku-dhigyo iyo maah maahyo amma eray suugaaneedkooda, waxaana inoo caddaynaaya ‘Shaah iyo Sheeko’ amma “Rag waa shaa, dumarna waa sheeko.”

Waqtiyo gaar ah ee aadka loo cabo shaaha waxa ugu badan subaxi iyo lagabtii, inkastoo barqadii dadka qabimay cabitaanka shaaha ay aaad u jecel yihiin.

Shaaha wanaagiisa, jacaylkiisa iyo dhaqan ahaan Soomaalida halka uu kaga jiro um ajeedo bal aan ku soo dhawaano dulucda qormada koban.

Marar badan oon fadhiistay goobaha shaaha lagu cabo, gaar ahaan maqaaxiyaha danlayda ee dadka u badan bulshadu isugu yimadaan, waxa iiga muuqday dhibaato caafimaad darro oo ka dhalan kara, taasoo loo baahan yahay in bulshada laga wacyigeliyo, lagana hawlgalo sidii nadaafadooda loo ilaalin lahaa.

Goobaha shaaha lagu cabo amma maqaaxiyaha weelka, gaar ahaan koobabka shaaha lagu cabo nadaafadooda ma fiicna, loomana nadiifiyo sidii ay ahayd in loo nadiifiyo amma biyo kul kulul laguma kariyo badankooda, taasoo fududayn karta in cudurro badan si sahal ah lagu kala qaado, maadaama bulshada goobaha isugu timi ay kala duwan tahay.

Shaqaalaha maqaaxiyahan waxa ay weelka muddada ay shaqaynayaan iskaga daba xalaan biyo aan nadaafadoodu wanaagsanay, kuna jira weel qabanaya amma fududaynaaya iyo cudur-dhaliyayaashu (virus or Bacteria) si fudud ugu hadhaan. Qasdigoodu xalis ma aha, balse waa in ay koobabka shaaha uun ka masaxaan si ay deg deg ugu isticmalaan, dadka goobta joogana shaaha uga wada iibiyaan. Muddo ka badan 12 saacadood weel aan si fiican loo xalin, dad kala duwan oo caafimaadkoodu kala gedisan yahayna ku cabeen qofku wuu garan kara dhibaatada ka imaan karta.

Maskaxda dib u yara celi oo eeg koobkii aad shaaha ku cabtay waxa aad eegta saacado yar oo aad meesha ku hakatay, adigoo dareenkaaga, maskaxdaada iyo indhahaaba la raacay koobkaaga kaliya. Kaga bilaw sida loo xalay. Biyaha la geliyey waa biyo casaaday, caleentii shaahu ku jirto, ur sameeyey, wiilka xalaya ma xidhna qalabkii weelka lagu xalaayey, dharkiisu nadiif maaha, waxa uu aayar geliyey koobkii biyaha wuu ka soo saaray, kadib waxa uu dib ugu shubay shaahii. Waxa sidii si leeg isaga dambeeyey iyadoo isla biyihii lagu xalaayey 10 qof oo kala duwan, muqaal ahaan, caafimaad ahaan iyo shakhsi ahaanba. Hal qof oo ka mid ah haddii uu xannuunnada faafa qabo ogow oo dadkaas way ku wada sadhoobi lahaa, inkastoo xannuunada Alle keeno, haddana is ilaalinta iyo nadaafadu waa mid diinta islaamku gaar yeeshay.

Haddaba, rag ka mid ah kuwa shaaha ka ganacsada oon arrintan kala hadlay, iskuna dayey intii karaankayga ah in aan qanciyo, kuma aan guulaysan in aan u sheego dhibaatada dhalan karta, sababtoo ah ma fahmayaan waxa u horreeya ee ay ka fikirayaan waa quudkooda oo ay u arkaan in darriiqan mooyee mid kale aanay ku heli karin.

 Waxa kale oon kala sheekaystay dhakhaatiir caafimaad si aan bal qudhaydu uga dhergo, una ogaado dhibaatada arrintan yeelan karto, gaar ahaan dhakhaatiirta ku takhasustay cudurrada faafa (Publich Health) waxa ay ii sheegeen in haddii koobka uu soo raaco cudur-dhaliye amma jeermis haddii aan biyo kulul la gelin in aanu ka hadhayn, waliba aan si aad ah loo xalin uu qofka dambe eek u caba si fudud u qadaayo cudur-sidahaas, caafimaadka bulshaduna khatar ku jirto.

W/D: Abdifatah Osman Sheik Adan

Fitaaxsh1000@hotmail.com

Beledwyne, Hiiraan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories