HomeKoob Kubada Cagta ah oo Lagu Waynayey Munaasibada 18-Ka May oo ka...

Koob Kubada Cagta ah oo Lagu Waynayey Munaasibada 18-Ka May oo ka dhacday Magaalada Birmingham UK & {Daawo Sawirada + Warbixin}

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciyaar aad uxiiso badan ayaa shalay gelinkii danbe waxaa lagu qabtay Garoonka Power league Stadion  Aston lichfield Road ee magaalada 2aad ee Ingiriiska Birmingham Uk,

Hawsha tartanka loo qabtay  koobka 18-ka May ayaa waxa  iska kaashaday gudiga qabanqaabada 18May ee jaaliyada Birmingham iyo ururka dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha ee Birmingham  , ciyaartan shalay oo Geba-gabo u ahayd Koob socday , ayaa waxaaa loogu tala-galay Munaasibada Qaran ee 18-Ka Bisha May –kan soo wareegtay  sanad-guuradii 22aad oo ah maalintii  Qarinimada umada Somaliland.

Waxaana ciyaartan  shalay galabta dhexmatay 10 Kooxood oo qaybta waaweyna iyo 5 Kooxood oo iyaguna kooxaha dhalinyarada yaryara, waxaanay ka kala socdeen Gobolka West Midland oo dhan sida Birmingham , Coventry , Wolverhampton iwm.

 Tartanka Ciyaarahan ka-dib waxaa waxaa maanta oo  Axad 18May2013  lagu qaban-doonaa hool weyn iyo barxad weyn oo ka soo horjeeda Beerta Small heath park, cinwaanka oo ah

Al Miraj Banqueting Suites 

11-29 Wordsworth Rd
Small Heath, B10 0ED Birmingham 

 isla-markaana ah Munaasibad balaadhan oo  si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb geli doonaan wefti balaadhan oo ka koobanilaa 8 xubnood oo wadankii ka yimi , uuna hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) , Weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa shalay kala qayb-galay  magaalada London  munaasabad balaadhan dadka reer Somaliland ee degan Magaalada London iyo nawaaxigeeda oo ah, ee 18 ka May 22 sanno guuradii ka soo wareegtay markii madax banaanida ay Somaliland heshay ,isla-markaana lagu qabtay garoonka weyn ee kubadda cagta ee Barnet Football Stadium oo ku yaalla W/Galbeed ee magaalada London, halka maanta uu kaga qayb-geli doono dadweynaha Reer Somaliland ee degan Magaalada Birmingham iyo agagaarkeeda.

    Ugu danbeyn Masuuliyiin ama gudiga qaban-qaabada maalinta 18 –Ka May ee Jaaliyadda Birmingham  ayaa Hambalyo u jeediyey Kooxaha Kubada cagta ee jaaliyada Somaliland ee Birmingham iyo nawaaxigeeda  ,waxayna sheegeen in koobkan Lagu waynayney, Maalinta Qaran ee 18-ka May ee sanadguuradii 22aad oo si wanaagsan u soo idlaaday, waxaanay sheegeen gudiga oo isku-duuban in ay ,dhamaan shacabka Somaliland  ugu hambalyeynayaan Maalinta qaranimada.

 Gabagabadii munaasibada koobka loogu talo-galay  ,waxaa lagu gudoonsiin-doona munaasibada weyn ee maanta lagu qabanaayo goobta uu madaxweynaha-ku-xigeenka Somaliland iyo weftigiisu ay kala soo qaybgeli –doonaan jaaliyada Somaliland ee Birmingham , iyadoo halkaasi Koobab lagu gudoonsiin doono labadii Kooxood ee ku kala guuleystay kaalinta 1aad , Iyadoo dhinaca kalena kooxaha kale ee kaalinta labaad iyo tan sadexaad lagu guddoonsiin doono iyagana abaal Marino.

By, Adan Yusuf Elmi

Birmingham/UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories