HomeKomishanka Oo Shaaciyay Hanaan Cusub Oo Ay Kusoo kordhiyeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Komishanka Oo Shaaciyay Hanaan Cusub Oo Ay Kusoo kordhiyeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Qofka iska Diiwaan-geliya Hargeysa, Wuu Ka Codeyn Karaa Ceerigaabo”

Xubnaha-Komiishanka-Somaliland

Hargeysa (SLP)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay soo kordhiyeen qorshe cusub oo ah in qofka iska diiwaan-geliyay goob uu ka codayn karo maalinta doorashada goob kale oo ku taalla gobol aan ahayn kii  uu  hore iska diiwaan-geliyay.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo khamiistii ka hadlayay kulan lagu faaqidayay  xuquuqda beelaha la hayb-sooco ee Somaliland,kulankaasi oo uu soo qaban-qaabiyay urur la yidhaahdo  VOSOMWA oo marti qaad u fidiyay xukuumadda, xisbiyadda qaranka iyo Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka.

“Muwaadiniinta reer Somaliland waxaannu ku boorinaynaa  inay is-diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta haddii ALLE yidhaahdo 21 Bisha July ee fooda innagu soo haysa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay  meesha ka saareen caqabado hore u haystay codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi “Diiwaan-gelintan cusub  ee codbixiyeyaasha waxay dadweynuhu  ka raysanaayaan sidii diiwaan-gelintii berrigii hore  waxay ahayd in qofku goobta uu iska diiwaan-geliyay oo kaliya ka codeyn karo, balse Komishanku waxaanu imika ka dhignay  in qofku Hargeysa intuu  ka qaato kaadhka codbixinta, tusaale ahaan uu ka codayn karo  magaaladda Ceerigaabo. Waanu fududeynay dadweynahana waxaannu leenahay sidaasi ku bushaareysta. Waxaan dadweynaha aanu ku adkaynaynaa oo ku boorinaynaa inay  qaataan kaadhka codbixiyeyaasha..”

Guddoomiye Cabdi-qaadir Iimaan waxa uu sheegay inay dhex u yihiin saddexda xisbi qaran ee u baratamaya tartamadda doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda.

“Annagu waxaanu dhex u nahay Axsaabta Qaranka ee tartamaysaa in aanu u caddaalad samayno, haddii ALLE yidhaahdo, markaa howshii gacanta ayaannu ku haynaa,  diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha  ayaa dalka ka bilaabmi doonta, muwaadiniintana  waxaa laga rabaa inay is-diiwaan-geliyaan,”ayuu ku dooday Mr. Iimaan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories