HomeKomishanka doorashooyinka Somaliland oo Qabtay cod bixin Tijaabo ah oo la xidhiidha...

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo Qabtay cod bixin Tijaabo ah oo la xidhiidha Goleyaasha Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta xaruntooda ku sameeyay codbixinta doorasho tijaabo ah oo ay ka qeyb galeen 200 oo qof oo laga soo kala dhex xulay qeybaha kala duwan ee bulshadda Hargeysa, si ay sawir uga qaataan culayska ay codbixinta doorashada Goleyaasha deegaanku ay ku yeelan karto codbixiyeyaasha kala dooranaya murashaxiinta tiradda badan ee ka qeyb galaysa doorashadaasi.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Komishanka doorashooyinka ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada ay tijaabadan u qaadeen, waxaanu halkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Ka dib markii sharciga laga soo saaray in si toos ah loo doorto musharixiinta Goleyaasha Deegaanka (open List), waxa badatay tiradda dadka la dooranayo oo magacyadooda lagu soo dari doono warqadda codbixinta.
Gudidda doorashooyinka qaranku iyagoo arrimahaas ka baaraan-degaya waxay goosteen in maalin goob tijaabo ah la sameeyo doorasho.

Laba Boqol oo qof ayaa tijaabadda doorashadda geli doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad waayeel ah, dhalinyaro, dad wax akhriyi kara iyo dad aan waxba akhriyi Karin iskuguna dhafan Rag iyo Dumarba.
Gudidda doorashooyinka qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshadda Somaliland noocyadeeda kala duwan.

Sababaha Gudidda doorashooyinka qaranku ugu baahdeen maalinta doorashadda tijaabadda ahina waa in si mug leh looga baaraan-dego baaxadda hawl-gal ee codayntu yeelan doonto xiliga doorashadda deegaanka ee fooda inagu soo haysa, ahana markii u horeysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanadda Golaha deegaanka, oo tiradda murashaxiintu aad u badan tahay.

Waxa kale oo Gudidda doorashooyinka qaranku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabadda ah wacyi-gelin caam ah oo bulshadda rayidka ah, ururadda iyo xisbiyadda siyaasaduna la socdaan, kana qeyb qaataan hanaanka cusub ee doorashaddu u dhacayso.”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa kale oo uu shir jaraa’id ku sheegay inay bedeleen nidaamkii hore ee ay murashax kasta uu lahaa astaan u gaar ah oo ay siiyeen murashax kasta lambar u gaar ah.
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in dadkii ay soo codbixiyeyaashii ay soo marti qaadeen ay jireen qaar saxay codbixintii tijaabadda ahayd, halka qaar kalena ay saxeen. Waxaanu tilmaamay in doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa ka hor dadweynaha la siin doono waxyi gelin badan oo ku wajahan qaabka ay u codaynayaan iyo inay xasuustaan lambarka murashixiinta ay doonayaan inay codkooda siiyaan.

Waxa kale oo codbixintan tijaabadda ah goob joog ka ahaa wakiilo ka socday xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ee ka qeyb galaya tartanka doorashadda goleyaasha deegaanka.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories