HomeKomishanka Doorashooyinka Qaranka oo Xog Waran Siiyey Guddida Joogtada ee Guurtida

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Xog Waran Siiyey Guddida Joogtada ee Guurtida

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost) – Guddida joogtada ah ee aqalka guurtida ayaa xarunta golaha guurtida xog waran kula yeeshay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka hawlaha diwaangalinta iyo doorashooyinka ku mudaysan horraanta sanadka laba kun iyo todoba iyo tobanka.

 

Ilaa shan xubnood oo ka mid ah guddida doorashada oo ay hogaaminayaan guddoomiyaha guddida Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo afhayeenka Siciid Cali Muuse, ayaa guddida guurtida uga waramay hawlaha diwaangalinta ay sheegeen in wacyi galintoodii hadda socoto lana filayo inay diwaangalintu bilaamato  wakhti dhaw oo aanay cayimin.

 

Guddoomiyaha guddida Eng Cabdiqaadir, ayaa ugu horayn guddida ugu bushaareeyay in qalabka diwaangalintu yahay mid damaanad qaadaya inaanu qofna laba jeer ama ka badan is diwaangalin karrin “Maanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aannay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu’da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn shan ilbidhiqsi ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.

 

Afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo isna xog waranka qayb ka ahaa ayaa sheegay in hore ay u xumaadeen diwaangalinno dalka laga qabtay balse hadda ay doonayaan in diwaangalin dhaxal gal ah ay sameeyaan “Waxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka da’da Lix iyo toban jirka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii da’diisu gaadho lix iyo toban u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor lix iyo toban jirsaday

 

Mudane ka tirsan guddida ayaa waydiiyay komishanka siday suuro gal u tahay in diwaangalinta iyo doorashadu wada gaadho gobolada Dalka maadaa guddi komishanka ka tirsan dhawaan laga afduubtay Hadaaftimo oo Sanaag ka tirsan, waxayna ku doodeen inaanay taasi waxba u dhimayn qorshahoda “Anagu waxaanu doonaynaa oo naga go’an oo komishan ahaan naga go’an in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diwaangalinta iyo doorashada gaadhsiinno,” ayuu yidhi Afhayeenka guddida doorashada Siciid Cali Muuse.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories