HomeKomishanka Doorashooyinka Oo Xisbiyada Ka Mabnuucay Inay Tagaan Gobalada Diiwaangalintu Ka Socoto...

Komishanka Doorashooyinka Oo Xisbiyada Ka Mabnuucay Inay Tagaan Gobalada Diiwaangalintu Ka Socoto iyo Qodobada Anshaxa Ee Ay Soo Saareen

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(Slpost)-Komishanka doorashooyinka ayaa daboolka ka qaaday afar qodob oo lagu xakamaynaayo xisbiyada qaranka isla markaasna loogu diidaayo inay ollole ka sameeyaan goobaha ay diiwaangalintu ka socoto iyo gabi ahaanba gobalkaas.

“Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

 Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobo lee Togdheer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaangelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan.

 1. In laga bilaabo 8th March 2016 saddeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gobolka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.

 2. In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min toddoba xubnood ay ka soo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo isbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikro, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maalmood oo ka horreeya.

 3. Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

 4. Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”

Alla             Mahad            Leh

 Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories