HomeKomishanka Doorashooyinka oo Tababar U soo Xidhay Shaqaale Ka Tirsan Waaxda Komishanka...

Komishanka Doorashooyinka oo Tababar U soo Xidhay Shaqaale Ka Tirsan Waaxda Komishanka ee Gobolka Togdheer

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

 

Hargeysa(SLpost)-Axaddii Shalay oo waxa tababar ugu xidhmay magaalada Hargeisa 13 qof oo ka tirsan shaqaalaha Komishanka ee Gobolka Togdheer. Tababarka oo lagu qabtay xarunta Komishanka Qarnka ayaa waxa ujeedadiisu ahayd u diyaar-garowga Diiwaangelinta dhowaan ka dhacaysa Jamhuuriyada Somaliland.

 

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa in Shaqaalaha Komishanka ugu hawl gelaya Degmooyinka Gobolka Togdheer lagu tababaro sidii ay u waajihi lahaayeen hawlaha kala gedisan diiwaangelinta la xidhiidha. Tababarkan oo bilowday Sabtidii, oo laba maalmood ahaa, ayaa wax ka qayb galay xubnaha Komishanka ee degmooyinka Burco, OOdwayne iyo Buuhoodle.

 

Sida laga warqabo Gobolka Togdheer ayaa ah Gobolka ugu horeeya ee

Diiwaangelintu ka bilaabanayso dhawaan, iyadoo wacyi-gelintuna ka horayn doonto. Waxa tababarkani horseed u yahay tababaro is-daba joog ah oo loo qaban doono dhamaan masuuliyiinta KDQ ee heer Gobol iyo mid degmo ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxa aannu ka helnay warkan Warsaxaafadeed uu Komishanku soo saaray. Waxa mar dhawr jeer oo hore komishanku ku dhawaaqay in la bilaabayo ololaha wacyigelinta codbixiyaasha kaas oo aan ilaa imika la bilaabin, tababarkan ayaa noqonaya hawshii koowaad ee laga bilaabo gobolka Togdheer taasi oo tababarka shaqaaluhu yahay waxa koowaad ee shaqada laga qabto. Komishanku wali muu sheegin wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu bilaabmayso.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories