HomeKomishanka Doorashooyinka maxaynu ka doonaynaa inay ka Gar-naqaan? – W/Q: Weriye Maxamuud...

Komishanka Doorashooyinka maxaynu ka doonaynaa inay ka Gar-naqaan? – W/Q: Weriye Maxamuud Walaaleeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Abuuritaanka Komiishanka qaranku waxay ahayd dan loo dabranaaday, isla markaana la’aanteed aan hanaan nidaamka dimoqraadiyadda xisbiyadda badan loo gudbeen, noqotayna in loo qaybiyo hay’adihii dawliga saamiga xilka magacaabistooda, hadday ahayd waaxda fulinta, baarlamaaka (guurtida) iyo saddexda xisbi tiro cayiman.

Balse, dad badani xilligan iyo ilaa maalintii u horeysay waxay u arkaan in qaabkooda soo xulista iyo shuruucdoodaba wax ka bedel iyo kaabis u baahan tahay, maadama xeer kasta oo bani’aadmi sameeyo qabyo waayey, unna baahan yahay haddba wadciga iyo waayaha baahidoodu taagan tahay lagaga baxo xal u helidooda.

Maxamuud WalaaleeyeMaantana ay muuqato xeerkii abuuritaanka komiishanka qaranka iyo xeerar badanoo tiro-beelay oo dalku leeyahay qabyada ka jirta, oo ajburi karaysa inaan sannad maalkeena iyo muruqeena isugu geyno dhamaytirka godaloolooyinka ka muuqda xeerarkeena. Bal timaadadu ha joogtee.

Intaa haddaynu ku soo dhaafno hordhaca mowduuceena maanta, sida dadkeenu badi aaminsan yahay macnaha Koomiishan waxa fasiraadiisu ugu kooban tahay Diyaarinta iyo qabanqaabada doorashooyin, balse waajibkoodu intaa wuu ka xeel-dheer yahay sida awoodooda maalinta doorashaduba muujinayso sida awaamiirtooda guud ahaan dalka loogu dhaqmayo,

Haddana, kooxda hawsha baaxadaa leh dushooda saaran tahay diyaargarow ah inta xeerarkoodu tilmaamayaan iyo in ka sii badan ayaa laga filayaa, gudashadooda iyo lahaanshaha khibradaha oo ay ugu horeyso dhowrsanaan iyo daacad.

Isla markaana inta xilka magacaabistoodu saaran tahay u maraan dariiqaha ugu haboon inay buuxiyaan ugu yaraan shuruudahii magacaabistooda, balse wixii intaa ka sokeeya dhinacii looga tiriyo dhaliil noqon doonaan qaar ilaahay hortii iyo ummaduba kula xisaabtami doonaan ka baaqashadooda. Sida haatanba tusaale inoogu filan tahay muran ula-kac ah oo dhinacyadii ay khusaysay midkood ka keenay magacaabista xubintii sharcigu siinayey xulitaanka xubin aan buuxin shuruudahii aqbalaadiisa, markii lagula taliyey inay sharciga soo waafajiyaan xubintoodan ka baaqsatay buuxintiisana, ku macneeyey in sifo sharcidaro iyo aqoontiisa oo sareysa awgeed loo soo celiyey, kuna baaqay inaanay ka hadhi doonin ila asharciga ku kala bxaan, balse isla habeenimadii xigtay soo xulay xubin kale.

Ta isweydiinta leh haddaba waa maadama awooda u dambaysa ee igmashada masiirka hoggaamintoodu bulshada reer Somaliland leedahay, ma dareensan tahay haatan dhinaca ku saxan doodiisa iyo dhinaca darjiidhaya, diyaarna ma u tahay inay kula xisaabtamaan masuul walba dedaal iyo dibindaabyo midkuu ku keeno masiirkooda?.

Dunnida iyo jaararkeena qaarkood hadaad eegto way kooban yihiin waddamo komiishankooda doorashada loo doorto sida madaxda hoggaanka dalalkooda xilli doorasho walba, isla markaana caqligu ku siinayo in garsoore aan khibrad balaadhan lahayni, cadaalada laga filan karo koobnaanayso,

loona baahan yahay in loo fekero sidii koomiishanka doorashadu loogu diyaarin lahaa inay noqdaan qaar sii jiri kara qarni iyo qarniyo kaleba xubnaha loo magacaabaa si ay kalsooni, khibarad, ku-dhac iyo habrasho la’aan ugu gudan lahaayeen waajibaadka saran, kana kaaftoomaan u damqashada haddba maamulka markaa mindida daabkeeda haya sida loogu aaneeyo, kuna hagaan xisbiyada iyo dhinacyada ay u dhexeeyaan shuruucda iyo qawaaniinta u yaal dalka waxii hawlo la xidhiidha doorashooyinka iyo xilli meertadooda,

noqdaana shaqsiyaad hanta oo loo daba fadhiisto hawlahooda halka wakhti kasta muuqata in dhinacyo kale saamayn ku yeeshaan gudashada waajibaadkooda. Komiishanku waa inay ahaadaan hay’ad u dhamaystiran yahay qaab dhismeedkoodu dhinac walba, balse aanan magacaabistooda mar walba barbar socon qabyada dhinac walba ka muuqata waxqabadkooda, ee xafiisyo, shaqaale joogto ah iyo nidaam wadashaqeyneeed loogu soo hagaago yeesha.

Qeybta dambe waxaan ku eegi doonaa fikradaha iyo falanqeynta la xidhiidha xubnaha haatan la magacaabay, sida ay u waafaqayaan shuruudahii dabarka u ahaa xulistooda, khibradahooda iyo ugu dambayn haddii doorashadooda la gaadho xubnaha ku haboonaan kara hanashada maamulkooda hoggaamineed.

Weriye Maxamuud Cali Walaaleeye

mohamoudali@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories