HomeKomishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasadda oo Ka Shiray Qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasadda oo Ka Shiray Qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaanka axsaabta Qaranka, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka dalka oo dhammaadka bishan ka qabsoomaysa dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey qoraal ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka, ayaa shalay xeer madaxweyne ku muddeeyey in Diiwaangelinta codbixiyeyaashu dalka ka bilaabmi doonto 28-ka bishan December 2022.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa war-saxaafadeed uu galabta soo saaray ku sheegay Guddiga Doorashooyinku ku war-geliyeen axsaabta Siyaasadda wakhtiga ay dalka ka bilaabmayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

“Kulan maanta dhexmaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada Qaranka dalka, waxa lagaga wadahadlay bilowga hawsha Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo loogu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda ee ay ugu horrayso doorashada Ururrada Siyaasadda.

Komishanku waxay ku wargeliyeen xisbiyada in Diiwaangelinta Codbixiyayaashu bilaabmayso 28ka December 2022, Sidii horeba shalay (11/12/2022) uu Madaxweynaha Qaranku wareegtada ugu soo saaray, isla markaana waxay ku eegtahay 28 January 2023,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye waxa uu baaq u jeediyey Shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana bah-waynta Xisbiga KULMIYE inay ka qaybgalaan is-diiwaangelinta oo ah xuquuq muwaadin kastaa gaar u leeyahay, uguna diyaargaroobaan doorashada u soo horreysa ee Ururrada Siyaasadda”.

Ugu dambayn, waxa uu xisbigu la hadlay madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga, “Xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isku-tashiga uu gaadhsiiyey qabashada arrimaha Doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee dhinaca Dhaqaalaha, isagoo Miisaaniyadda Qaranka ka bixiyey doorahadii hore ee Isku-sidkanayd iyo kharashka hadda lagu qabanayo diiwaangelinta.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xisbiga Kulmiye ka soo saaray kulanka Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka.

Diiwaangelinta Codbixiyeaasha oo muddo hal Bil ah ka socon doonta dalka, ayaa loogu talo-galay inay ka faa’idaystaan Da’yarta qaan-gaadhay wixii ka dambeeyey diiwaangelintii hore, Dadka aan fursadda u helin diiwaangelintii hore, Dadka ay ka lumeen kaadhadhkoodii codbixinta ee hore, Dadkii hore isku diiwaangeliyey laakiin aan qaadan kaadhadhkoodii oo hadda fursad u haysata inay qaataan iyo Dadka goobihii hore ee ay iska diiwaangeliyeen hadda u baahan in laga beddelo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories