HomeKomaandoosta Israel iyo Sirdoonka Maraykanka ka Qayb-qaadanaya Xal u helidda Dad afduub...

Komaandoosta Israel iyo Sirdoonka Maraykanka ka Qayb-qaadanaya Xal u helidda Dad afduub loogu haysto Gudaha Xarunta WESTGATE MALL

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi (SLpost)- Ciidamada sida gaar ah u tabobaran ee dalka Yuhuudda, ayaa maanta la geliyey Xarunta Wesgate Mall ee magaalad Nairobi oo dabley hubaysani dorraad la wareegeen, ka dib markii ciidamada kala duwan ee dalka Kenya ay wax isbeddel ah ka samayn waayeen muddo 24 saac ah oo u xeernaayeen dhismaha xaruntaas.

Dabley u abtirsata kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalkaasi Somaliya, ayaa weerar u qaaday Xarunta Westgate Mall oo ah suuq-weyne Ganacsi oo dadka reer Galbeedka ah iyo muwaadiniinta reer Kenya ee lacagta haystaa ay ka adeegtaan, waxaana halkaas ku dhintay 59 qof oo isugu jira dad Ajaanib ah iyo muwaadiniin Kenyan ah halka 178 kalena ay ku dhaawacmeen, halka dad tiradooda gaadhaya ilaa 1000 qof laga soo samato-bixiyey dhismaha.

Ciidamada sida gaar ah u tabobaran oo ka socda dalka Israel, ayaa soo-fargeliyey dhacdadan, kuwaas oo gudaha galay xaruntaas oo ay weli ku jireen ilaa 15 nin oo dabdleyda weerarka qaadday ah, kuwaas oo gudaha dhismaha afduub ugu haysta dad badan oo wakhtiga weerar laga qaaday ka adeeganaya xarunta ganacsi.

westgate2Ciidamada Israaiil oo ay wehelinayaan Saraakiil ka socday hay’adda Sirdoonka Maraykana ee FBI, waxa ay si ballaadhan ugala qayb-qaatay Ciidamada dalka Kenya hawl-gallada lagu bad-baadinayo dadka shacabka ah ee lagu haysto gudaha Dhismaha, ka dib markii Ciidamada dalkaasi ay ku guul darraysteen inay gudaha u galaan dhismaha oo ay soo badbaadiyaan maxaabiista la haysto taasoo keentay inay yimaadaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee caawinaya ciidanka Kenya.

Dhanka kale, xubno kamid ah qoyska madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, ayaa ka mid ahaa dadkii dorraad lagu dilay weerarka lagu qaaday xarunta gacacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.

Inkasta oo aan la cadayn tirada qaraabada madaxweynaha ee ku dhimatay weerarka lagu qaaday Westgate, haddana madaxweynaha Kenya oo dadweyniisa khudbad u jeediyay ayaa ka dhawaajiyay in qaar ka mid ah qaraabadiisa ugu dhow-dhow ay ku dhinteen weerarkaas.

“Waan dareensanahay xanuunka aad dareeemaysaan, marka la eego aniga oo shakhsiyan ku waayay weerarkan xubno aad iigu dhow oo ka tirsan qoyskayga, Illaahey waxaan ka baryayaa inuu kulligeen samir naga siiyo inta aan ka gudbayno masiibadan,” ayuu yidhi madaxweynaha Kenya.

weste-gateKhasaaraha ka dhashay weerarkan lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee Westgate oo kooxda Al-Shabaab masuuliyaddeeda sheegatay, waxa dadkii ku dhaawacmay weerarkaas oo tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafayaan ilaa 170, isuguna jira muwaadiniin Kenyan ah iyo qaar ajaanib ah, lagu daawaynayaa Cusbitaallada magaalada Nairobi.

Dhacdadan oo maalintii saddexaad maraysa, ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyey badbaadinta dadka lahaystayaasha ah ee Gudaha xaruntaas ku jira, iyada oo la sheega in dableyda weerarka fulisay oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 16 qof, marka laga reebo mid hawlgalkan ku dhintay, ay wel ku jiraan qol ka samaysan muraayadaha rasaasta celiya oo ku yaala dhismaha Xaruntaas.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories