HomeKolba Xukuumada Sii Dhacaysaa Lagu Yaqaaan In Ay Taliye Axmed Dacawo Gabiley...

Kolba Xukuumada Sii Dhacaysaa Lagu Yaqaaan In Ay Taliye Axmed Dacawo Gabiley Keentee , Xukuumadu Gabiley May Ka Samirtay – W.Q. Muna Axmed .

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Axmed-DacawoKolba Xukuumada Wakhtigu Gabo Gabada Ka Yahay Ee Ka Baqaysa In Doorashada Lagaga Adkaado Ayaa Waxay Taliye Axmed Dacawo U Soo Magacawdaa Mid Ka Mida Taliye Saldhigeedyada Gobolka Gabiley Si Uu Bulshada Uu Uga Aar Gudo Xukuumada TAlada Haysa MArka Ay Ka Bulshadaasi Reer Gabiley Ka Soo Horjeestaan .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Hore Xilal Kala Duwan Uga Soo Qabtay Saldhigyada Gobolka Gabiley isagoo Taliye Ku Xigeen Hore Uga Soo Noqday Saldhiga Dhexe Ee Degmada Gabiley , Waxa Kale Oo Uu Taliye Ka Noqday Saldhiga Degmada Wajaale Oo Markii Xukuumada Talada Haysaa Xilka La Wareegtay Laga Tuuray .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Waxa Lagu Yaqaanaa Digtaatoore-Nimo Waxa Kale Oo Lagu Yaqaanaa Cabudhin Iyo Cago Juglayn Uu U Gaysto Bulshada Uu Taliyaha U Yahay .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Sababta Loo Soo Magacaabay Ee Kali Ahi Ay Tahay In Uu Bulshada Reer Gabiley Ku Khasbo In Ay Qasab Ugu Codeeyaan Xisbul Xaakimka Kulmiye , Cidii Ka Soo Hor Jeedsatana Uu Xabsiga U Taxaabo Walibana Uu Ugu Daro Jidh-Dil .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Waxaa Lagu Xasuustaa Wakhtigii Uu Ahaa Taliyaha Saldhiga Wajaale Oo Ku Beegnayd Ololihii Doorashada Madaxtooyada Somaliland In Uu Cabudhin Iyo Cago Juglay U Gaystay Mas’uuliyiintii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Uu Kow Ka Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Uu Ka Kala Jabiyay CameraUu Ku Soo Duubtay Qashin Buux Dhaafiyay Toga Degmada Wajaale Isla Markaana Uu Taliye Axmed Dacawo Ugu Cago Jugleeyay Gudoomiyaha Xisbiga In Hadii Uu Dacwad Kala Daba Yimaado Uu Xidhi Doono ( Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ) .

Waxa Kale Oo Taliye Axmed Dacawo Lagu Xasuustaa Cabudhinta Saxaafada Madaxa Banaan Oo Uu Wariyayaasha Qaarkood Xidhi Jiray Qaarna Qalabka Ay sitaan Ka Kala Jabin Jiray Si Aanay Ugu Soo Saqajaamin Magaalada Uu Taliyaha Ka Yahay Ee Wajaale Oo Uu Gabi Ahaanba Ka Mamnuucay Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Ta Maxalig Ah-ba , Waxaana Kow Ka Ahaa Dhacdooyinkaasi Isku-Duwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Gabiley Ahna Wariyaha Telefishanka Qaranka Iyo Radio Hargaysa U Jooga Gobolka Gabiley Nimcaan Dheeg Ibraahim Oo Uu Ka Kala Jabiyay Camera-d Uu Ku Duubayay Barnaamijyo Dawladeed Xadhigna Uu Kula Kacay Camera-Man-kiisii Cawil Cabdi Kaahin Iyo Rag Kale Oo Suxufiyiin Ah Halka Ay Dirqi Kaga Fakadeen Wariye Nimcaan Dheeg Ibraahin Iyo Tifaftirihii Hore Ee Wargayska Haatuf Maxamed Cismaan Dube Oo Dhinaca Xuduuda Itoobiya Uga Talaabay .

Isku Soo Wada Duuboo Taliye Axmed Dacawo Ayaa Ah Taliyaha Dumiya Rajadii Bulshada Gobolka Gabiley U Qabtay Xukuumada Hadba Talada Haysa Ka Dib Marka Loo Soo Magacaabo Isagoo Bulshooyinkaasi Ku Nacaan Digtaytar Nimo , Iyo Cabudhin Joogto Ah , Isagoo Kol-kolka Qaar Maagaalooyinka Ku Soo Roga Bandoo Ka Bilaabma Kolka Ay Cadceedu Dhacdo Kuna Dhamaada Kolka Ay Cadceedu Soo Baxdo .

Taliye Axmed Dacawo Ayaa Ku Sifooba Marka La Soo Magacaabo In Ay Isku Dhex Milmaam Mas’uuliyiinta Xisbul Xaakimka Hadba Talada Haya Isagoo Xabsiga U Taxaaba Qof Bilaa Danbiye Oo Kaliya Ka Soo Hor Jeestay Habdhaqanka Xisbiga Talada Haya .

Dhanka Kale Waxaan Ka Digayaa In Ay Gacan Saar Wada Yeeshaan Taliye Axmed Dacawo Iyo Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Oo Labadoodaba Xukuumada Dhexe Si Toos Ah U Adeegsato Kana Soo Wada Jeeda Isku Beel Kaliya Oo Ay Cida Ay Doonaan Xabsiga Dhigaan Cida Ay Doonaan Jidh-dilaaan Cida Ay Doonaana Sharaf Dilaan .

Gabagabo Iyo Gunaanad .

Gabagabadii Iyo Gunaanadka Waxaan Ku Soo Afmeerayaa baaq Aan U Dirayo Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xasan Oo Aan Leeyahay Labadiinaa Mas’uul Waxaad Tihiin Laba Mas’uul Oo Aqoon Iyo Waayo Aragnimo Leh Ee Ha Ku Dul Ceeboobina Bulshada Reer Gabiley.

Reer Gabileyna Yaanay Idinku Dhufan Shaambad Madaw Ee Ka Digtoonaada Sharaf Dhaca Iyo Ceebta Uu Idiin Soo Jiidi Dono Taliyahaa Ay Xukuumada Dhexe Ramuudka Ku Hagayso Ee La Idin Dul Keenay Oo Aan Hubo HAdaad Ka Digtoonaan Waydaan In Uu Sharaftiina Iyo Karaamadiina Hoos U Dhigi Doono .

Baaqa Aan U Dirayo Xukuumada .

Dhanka Kale Waxa Aan Baaq U Dirayaa Xukuumada Dhexe Ee Somaliland Oo Aan Leeyahay Gabiley Ma Waxaad Kaga Aargoosanaysaan Taliye Axmed Dacawo Markii Ay Xisbiga Ucid Idinka Raacday Waxaanan Imika Idiin Sheegayaa In Aan Kolna Bulshada Reer Gabiley Laga Hor Joogsan Karin Cida Ay Doonayaan In Ay Taageeraan , Bulshada Reer Gabileyna Waa Mawjad Oo La Iskuma Soo Jeediyo Dhag Kaliya Ayay Wax Ka Wada Maqlaan , Go’aan Kaliyana Way Wada Qaatan , Cid Kaliyana Way U Wada Codeeyaan Waana Meesha Lagu Kala Baxo Tartanka Doorashada Ee Hoy Ka Feejignaada .

WABILAAHI TAWFIIQ .

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories