Home“Kolba haddii maceeshaddii dadka qirin-qiir la galinayo, wada-hadal iyo isku-imaanshiyo kale hadalkiisaba...

“Kolba haddii maceeshaddii dadka qirin-qiir la galinayo, wada-hadal iyo isku-imaanshiyo kale hadalkiisaba dhaaf” – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Dowladda ka talisa Maka-Al-Mukarrama Xaq uma laha inay ka Arrimiso neefka Berbera ka dhoofaya… waa in loo daayo guddigaa khubarada ah ee madaxa-bannaan oo dadka waraaqaha siinaya”

 

Hargeysa (SLpost)- Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo muddo todobaaddo ah ku xanniban Dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxaanu masuuliyadda arrintaas kor ka saaray dowladda Muqdisho ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu eedayn culus u jeediyey.

 

blank

 

Prof Cabdi Ismaaciil oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taalla dalka Maraykanka, ayaa waraysi uu siiyey suxufi madax-bannaan oo ka hawl-gala North America, waxa uu ku baaqay inaanay dadka shacabka ahi aanay dhibbaneyaal u noqon xurgufta siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

 

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo la weydiiyey cidda uu u malaynayo inay ka dambayso xannibaadda Markabka xoolaha sida ee ku xayiran Dekedda magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxa uu yidhi, “Runta Allah uunbaa og laakinse waxa muuqata Kolba haddii Sucuudigu yidhi qolooyinka Berbera warqad haka soo qaataan Muqdisho, waxaan isleeyahay dowladda Muqdisho ayaa ka dambaysa oo Sucuudiga ku tidhi Wixii naga imanaya (Somali) inuu jidkayaga soo maro. Ayaan-darradu waxa weeyi, siyaabo ka farsamo wanaagsan ayaa waxan loo habayn lahaa haddaynu Soomaali nahay; metelan waxa jira dad ka shaqeeya Caafimaadka Xoolaha oo la yidhaahdo Somali Veterinary Association, meeshay doonaan haka yimaaddaane, waa khubaro dadka u dhaxaysa, waxay ahayd inay iyagu bixiyaan waraaqaha oo aan lagu xidhin siyaasaddan guud Quudkii dadka masaakiinta ah. Laakiin arrintu siday u eegtahay, waxaad mooddaa dowladda Federaalka ah ee Xamar fadhidaa inay ka dambayso in Sucuudigu yidhaahdo meeshaas waraaqo hala soo qaato.”

 

Isagoo ka hadlayey sida ay aragti ahaan ula muuqato tallaabada Dowladda Muqdisho, waxa uu yidhi, “Waxay ku tusaysaa siyaasadda taalla Maka Al-Mukarrama; waa Jidka ay xukumaan dowladda Federaalku, meel kale ma xukumaan, Xamar Gudaheeda oo dhan ma xukumaan, waa caqli-xumo oo way canaatamayaan, may ahayn in la siyaasadeeyo dhaqaalaha dadka, waxay ahayd in loo daayo dadka ganacsatada ah, Somaliland-na maaha inay tidhaahdo warqad kama soo qaadanayno.”

 

Prof Cabdi Ismaaciil oo la weydiiyey Cidda qaadanaysa masuuliyadda saamaynta ka dhalanaysa xoolaha la xannibay, waxa uu ku jawaabay, “Labada dhinacba way leeyihiin masuuliyadda, waa in labaduba dib uga noqdaan oo arrinta loo daayo dadka ganacsatada ah oo ay yidhaadaan deg-deg haloo sii daayo, wixii siyaasad ah ee laysku haysto maaha in la soo dhex-galiyo maceeshadda dadka masaakiinta ah.”

 

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo la weydiiyey inay dowladda Muqdisho xaq u leedahay inay Sucuudiga ka dalbato masuuliyadda Xoolaha ka dhoofa Somaliland maadaama ay iyadu haysato Aqoonsiga dowladnimo ee Caalamka, waxa uu ku jawaabay, “Marka run laysku sheego, dowladda Muqdisho fadhidaa Maka-Al-Mukarrama ayay ka shaqaysaa oo horaan ugu bixiyey Dowladda Maka-Al-mukarrama Land; Kismaayo kama taliso, Garowe kama taliso, meel kale ooy ka talisaana ma jirtee, maxaa Hargeysa gaadhsiinaya. Dowladdaas ka talinaysa Maka-Al-Mukarrama Xaq uma laha inay ka Arrimiso neefka Berbera ka dhoofaya oo dadkii Masaakiinta ahaa ee neefka iska lahaa loogu ciyaarayaa, waa in loo daayo guddigaa khubarada ah ee madaxa-bannaan oo dadka waraaqaha siinaya,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

 

Macalinka oo la weydiiyey haddii tallaabadani dhaawac u geysan karto wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay, “Mabay jirin wada-hadalladu muddadaa labada sanno ee ninka Farmaajo joogay meesha. Dowladda Farmaajo malaha qaddarintii iyo qiimayntii Qaranka iyo umadda Soomaaliyeed. Kolba haddii maceeshaddii dadka qirin-qiir la galinayo, wada-hadal iyo isku-imaanshiyo kale hadalkiisaba dhaaf,” Sidaas ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo u warramayey Weriye Deeq Darajo.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories