HomeKofi Anan oo Dalka Suuriya u tagay si uu u cadaadiyo Xukuumadda...

Kofi Anan oo Dalka Suuriya u tagay si uu u cadaadiyo Xukuumadda Bashar Al-Asad iyo Guddiga Qaban-qaabada doorashooyinka Dalka Masar oo bilaabay hawlaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Beirut, 10 March, 2012 (SLpost)- Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr.Koofi Anaan ayaa maanta Booqasho qaadanaysa Afar iyo labaatan saacadood ku sugan Caasimada Dalka Suuriya ee Dimishiq,isaga oo ah Ergey gaar ah oo qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabtu u igmatay Xalinta Dhibaatada ka Aloosan dalka Suuriya.

Mr. Kofi Anaan waxaa uu isla maantaba la kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Mr. Bashaar Alasad iyo wasiirkiisa Arimaha Dibada Mr. Waliid AlMucalimu, Taas oo uu kala hadlay Sidii loo joojin lahaa Dagaalada iyo Rabshadaha Dalkaasi ka socda  ee u dhaxeeya Ciidamada qaranka Suuriya iyo Mucaaradka hubeysan ee isku Magacaabay Ciidamada Xoreynta.

Waxa kale oo Mr.Kofi anaan ka dalbadey Madaxda dalkaas sidii gargaar aadminimo loo gaadhsin lahaa dadka ku barakacay oo qaramada midoobay ku qiyaastay ilaa halmilyan iyo Badh oo ku sugan Gudaha dalka iyo wadama la jaarka Suuriya.

Arinta ugu Muhiimsan ee uu la soo qaaday Mr.Anaan waxaa Madaxweynaha Dalka Suuriya oo iyaduna ah,sidii wada hadal siyaasadeed loola bilaabi lahaa Mucaaradka Ku kacsan Xukuumada uu hogaamiyo.Haseyeeshee,Mucaaridku Way ka biyo diidsanyihiin Dhexdhexaadinta Mr.Anaan wado iyagoo ku tilmaamay Mid wakhtigeedii Dhacay oon imika ku habooneyn in wada hadal siyaasadeed lala Yeesho Xukuumada Bashaar Alasad.

Dhanka kale, Gudiga Qaaban qaabada ee  Doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa manta bilaabay inay qabtaan Codsiyada Musharixiinta u tartamaya Jagada Madaxtinimada ee dalkaasi,iyadoo laga joogo Sedex iyo toban bilood Markii xilka laga qaaday Madaxweynihii Dalkaasi Mr. Xusni Mubaaric.

Waxaana la filayaa in doorashadu Qabsoonto bisha May ee sanadkan halka Natiijada lagu dhawaaqi doono Badhtamaha bisha Juun,taas oo Golaha Malateriga wareejin doono Talada dalka Marka uu soo Magacaabo Madaxweynaha Cusubi Golahiisa wasiirada sidii ay ku balan qaadeen.

Hase yeeshee, waxay u soo bandhigeen Gudiga Doorashooyinku raga doonaya inay noqdaan Musharaxiinta Rasmiga shuruudo laga filayo inay fuliyaan  kuwasa oo ay ka mid yihiin in Xisbigiisu soo Magacaabo  xisbugu Haystana taageero ilaa sodan Xildhibaan,halka Musharaxa Madaxbanaan laga rabo in uu keeno ilaa sodan kun oo qof oo taageersan Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta qaarkood ayaa la sheegayaa inay Kalsooni darro ka qabaan sida wax loo maamulayo, iyagoo sheegay inuu jiro Gorgortan Musharaxiin lagu taakulaynayo qaar ka mid ah,waxase ay dalbadeen in si cadaalada ah oo xornimo ku jirto loo qabanqaabiyo doorashada Madaxtinimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories