HomeKobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay

Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka (WHC) Jamhuuriyadda Somaliland, oo horena loo odhan jiray Wasaaradda Caafimaadka (WC) marna, Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada (WCSH), waa ha’yad dowladeed oo ay shaqadeedu tahay in kor loo qaado tayada adeegyada caafimaadka, lana hubiyo tayada adeegyada caafimaadka ay bixiyaan, lana joogteeyo caafimaadka meertada nolosha deegaanka, himiladeeduna waa in dhamaan muwaadiniintu reer Somaliland ay helaan adeeg caafimaad oo tayodeedu aad u sareyso, si simanan loo joogteeyo, kuna noolaadaan nolol wanaagsan oo badqabta, hadafka hiigsiga lagu gaadhayo himiladaasina ay tahay, in loo abuuro deegaan kasta xidhmooyinka adeegyada caafimaadka bulshada oo tayo’doodu sareyso, wax tar leh, la awoodi karo, la helli karo, si simana loo wada gaadhsiiyo bulshada, kaasoo tayada daryeelka caafimaad uu ka turjumaayo baahida bulshada, fiiro gaar ah loo yeelanayo dadka ugu nugul in ay helaan daryeel caafimaad oo joogta ah, taasoo loo marayo nidaamka maamul daadajinta goobaha caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

blank

Halka, Wasiirkuna uu yahayhogaamiyaha guud ee siyaasadda lagu hagaayo wasaaradda horumarinta caafimaadka, hagaajinta addeegyada caafimaadka bulshada ee daruuriga ah, hirgelinta xeerarka caafimaadka, hagidda iyo hubinta maamul la jaanqaadaya siyaasadda guud ee Xukuumadda ee ku wajahan himilooyinka loo dejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, hiigsashada dhaqaale lagu horumarinaayo caafimaadka, magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada markuu la tashado Agaasimaha Guud, Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xanbaar-san ciqaabo, isku xidhka Wasaaradda iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda, saxeexida Waaranada Guud iyo mashaariicda, u gudbinta ku talo galka Miisaaniyadda Wasaaradddiisa Madaxweynaha isaga oo u marinaya Wasaaradda maaliyadda ku talo galka kharashka Wasaaradda ee sannad maaliyadeedka dambe isaga oo ka duulaya warbixinada, hay’addaha, wakaaladdaha iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada Wasaaradda, dejinta hab iyo hannaan si xilli-le ah loogu qiimaynayo xil gudashada Wasaaradda, kaas oo uu sannad kiiba mar Madaxweynaha hor dhigayo, wasiirku wuxuu ku leeyahay hay’addaha, wakaaladdaha ama shirkadaha hoos yimaadda kormeer, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah iyo suggidda, adkaynta midnimadda ummadda ee ku wajahan jiritaanka

Haddaba, innagoo ka duulayna xilka waajibaadka wasiirnimo, ayeynu halkan ugu soo qaadan doonaa, habkii farshaxannimada lahayd ee ay u isticmaaleen go’aamadii caqli galka ahaa, waayo-aragnimadii ay ku gaadheen aragtidaa fog, dabeecadihii garashada maanka fahamkiisu qotoda dheeraa iyo sababihii keenay guul darooyinkoodii, hab-dhaqanadii fiicnaa ee ay sameeyeen muddadii ay xilka wasiirnimo hayeen 18-wasiir ee soo maray xilka wasiirnimo ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kalena, dhowrsoonaanta dublamaasiyadeed awgeed marnaba u gudagalimaayo dhinaca hab-dhaqada cakiska ee ay lahaayeen, sida, samo-falka, daacadnimada, naxariista, geesinimada, himilada, isku-kalsoonida, go’aan qaadashada, raxmada, aqbalida, cadaalada, dulqaadka, balan-qaadka, feejignaan iyo dhanka wanaagsan wax-ka eega.

Markii uu dhamaaday dagaalkii ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM ) kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii.

Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali markii uu soo dhisay gollihii xukumadiisa, waxa uu u soo magacaabay jagada xilka wasiirnimo ee wasaaradda caafimaadka mudane, Abiib Diiriye Nuur (Abiib timacad), laba wasiir oo mid ka mid ahi isagoo aan la wareegin xilka wasiirnimo geeriyooday, halka wasiirka kale uu geeriyooday, isagoo xilka hayey muddo laba-todobaad ah, (AHUN) Xassan Cabdule Walanwal (Xasan Keyd) iyo (AHUN) Xassan Yuusuuf Nuur (Xassan waraabe Cade), ka dibna, waxa loo soo magacaabay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, wakhtigaas lagama soo kaban burburkii ku yimid dalka, waxa kale oo xukumadu ku hawlaneyd aassaasska nabad iyo xasilooni ka dhalata dhamaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland…………

La soco…..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories