HomeKobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii...

Kobicii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Isdaba Joogay, Waxa Wiiqi Kara Jidkii Shalay – Qormo Xiiso Badan (Qeybtii 2aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Markii loo doortay jagada hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Sannadkii 1993-kii bishii Dirir-cawleed, 5-teedii, waxa uu u soo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, muddane,Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo hadda Wasiir ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, muddo yar ka dib, waxa kala wareegay Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo xilka hayey muddo aad u koobneyd, isla-wakhtigaas waxa mar-labaad loo soo magacaabay Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, waxaana kala wareegay oo muddo aad u gaabneyd hayey Mudane, Cali Maxamed Warancade, wakhtigaas waxa lagu hawlanaaaassaasska nabad-galyada iyo xasilooni ka dhalata dhamaan gayiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay abuurtayxasiloonidii iyo nabad galyadii ka dhalata fahankii fiicnaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho-dhalkiisa, in ay maanta ahaysiiso in midhihii la beeray aynu ku gurano jawi degan iyo rajo fiican.

blank

(AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii uu ku guuleystay mar-labaad doorashadii loo tartamayey jagada Madaxweynenimo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,waxa uu u soo magacaabay (AHUN) Dr. Cabdi aw daahir in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, taariikhdu markay ahayd13-kii bishii Daalalo sannadkii 1997-kii illaa iyo 11-kii bishii Deyr-halalood Sannadkii 2001-kii.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu waa xiligii ay ugu wax-qabadka badneyd, wakhtigaas waxa la dejiyey qorshe shan sanadood oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadka dalka iyo shuruucihii caafimaadka oo ay ansixiyeen labada golle qaran, qorsheyaashii xeelladeed ee horumarinta caafimaadka waa kuwo ka caawiyey in la qabto shaqo fiican, oo diirada saarayey dhaqaalaha iyo tamarta, waxa kale oo nidaamkani uu muujiyaa dhinaca aad ka liidato iyo cabaqadaha laga hortagi karaayo, lana fuliyo talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si markaa loo gaadho heerka ugu sareeya ee suuragalnimada ah.

Wax-qabadkaas waxa ka mid ahaa in dib-u-habeyn lagu sameeyey dhamaan qeybaha adeegyada caafimaadka bulshada ee ku yaala wadanka jamhuuriyadda Somaliland, waxaana dalka laga hirgaliyey shan cusbitaal, sideed iyo afartan xanaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka iyo boqol iyo labaatan goobaha daryeelka caafimaadka, kuwaasoo dhamaantood si hufan u gudanaayey bixinta adeegyada daryeelka caafimaadka bulshadu u baahnaayeen, waxa kale oo la hirgaliyey nidaamka dhaqaalaha maaliyadda caafimaadka.

Waxa suuro-galiyey wax-qabadkaas oo sabab u ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada oo xirfad aqooneed u lahaa hirgalinta nidaamka caafimaadka iyo xirfadaha dabiiciga ah, waxaanay ahaayeen shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo badan u lahaa habka maareynta caafimaadka, isla markaana isku duubnaa dhinaca shaqada.

(AHUN) Dr. Cabdi aw daahir markii uu xilka ku wareejinaayey Xasan Ismaaciil Yuusuf,waxa uu yidhi:”, “iyada oo lagu jiro xilli adag ayeynu haddana wax badan qabsanay marka loo eego duruufaha inagu xeernaa, waxaanu intaasi ku daray “Gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka oo xil balaadhan u haysa ummadda adduunyana aan soo saarin waxayse la dagaalantaa cadawga koowaad ee dadka iyada oo daweysa dadka buka, xilkaana waxa qabta xooga halkan fadhiya iyo bahweynta caafimaadka iyadoon mushahar hagaagsan la qaadan, tabobar la qaadan intaana waxaynu ku gaadhnay dedaal”, waxaanu qiray in ay dhaliilo jiraan balse aanay badnayn marka loo eego halka ay maanta marayso “Iyada oo dhaliilo iyo canaanoba jiraan laakiin halka aynu maanta maraynaa waa meel fiican”.

Ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaweynenimo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (AHUN) Cusman Qaasim Qodax, oo xilka hayey 05-tii bishii Samo-laho Sannadkii 2003-dii illaa iyo bishii Karaneed 6-deedii Sannadkii 2006-dii, (AHUN) Cusman Qaasim Qodax waxa qabadkiisii waxa lagu xusuusan karaa in uu ku guuleystay maamul daadajinta Miisaaniyadda Caafimaadka Gobollada, waxa kale oo uu soo saaray kuliyaddii ugu horeysay xirfadlayaal caafimaad oo ka qalin jabiyey Maxadka Culuunta Caafimaadka Hargeysa (Hargeysa Nursing School), ardeydaas oo tiradoodu dhameyd 85-arday oo maanta ka hawl-gala dhamaan goobaha adeegyadda caafimaadka dalka, waxa kale oo la diiwaan galiyey dhamaan goobaha adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyodejinta qorshe shan Sannadood oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadkaJamhuuriyadda Somaliland.. …………la soco…..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories