HomeKijaandhe Oo Ka Hadlay Kullankii Shalay Dhex Maray Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo...

Kijaandhe Oo Ka Hadlay Kullankii Shalay Dhex Maray Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Musharixiinta Kulmiye Qaarkood

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Murashaxa  Madaxweynaha ee Xisbiga Tallada Haya ee Kulmiye Xildhibaan  Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay kulankii shalay dhex maray Madaxweyne ku xigenka Somaliland iyo murashixiinta kulmiye qaar oo uu isaguna ka mid ahaa.

 

Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo u waramay  Wargeyska Saxansaxo Xalay, ayaa waxa uu ku eedeeyey Muuse Biixi inuu Samaysanayo Gole dhexe oo uu isagy leeyahay, waxaanuu uga digay in la siiwado bixinta kaadhadhka Kulmiye ee Golaha dhexe.

 

Xildhibaan Kijaandhe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Shirkaasi midho dhal muu ahayn, kumanaanaan soo kala kicine dib ayaanu uga ballannay shir dambe, waxaanu ka hadlaynay murashaxan Kulmiye Guddoomiyaha u ah ee Kaadhadhka bixinaya ee warbaahinta ka sheegay ee Xubnihii Golaha dhexe ka baxay bedelaya, taas oo ah mid aan sharciga waafaqsanayn, Nin Musharax ah ayaa Golihii dhexe isagu samaysanaya oo abuuranaya gole dhexe oo uu isagu leeyahay, taas ayaanu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka oo aanu uga digaynay, waxaanu la kulanay Madaxweyne ku xigeenkii oo isaguna murashax ah Madaxweynihii dalkana ah oo ku simihii ah, hogaankii xisbigana ka tirsan, ayaanu u sheegaynay arrintan”

 

Murshax Kijaandhe oo hadalkiisa sii wata iyo waxa ay yeelanayaa haddii laga diido dalabkooda waxa uu yidhi “Waxaanu nagu yidhi Caawa (Xalay) ayaanu is arkaynaa hogaanka Xisbiga oo go’aan ka gaadhaya arrintan ayuu nagu yidhi, anagana noomay cuntamin arrintaasi waananu eegaynaa waxa ka soo baxa,tan la aleeyahay kaadhadhka keena Guddiqaban qaabo ayaa eegaysa, Murshaxa Xisbiga ee isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga shaqadiisa ma aha taasi, Liiska Golaha dhexena ma aha kii ay Maxkamaddu go’aamisay oo dad ayaa ka baxay, ama Waddani galay, ama dhintay ama shaqooyin kale helay, markaa isaga ayaa bedelaya oo dad dhiiga laga qaaday haddii aydaan muuse taageersanayn idin siinmaayo ayuu odhanayaa, waana dadka lagu buuxinayo ciddii ka baxday liiska sharciga ah, waxa la isku hayaana waxa weeyaan taas iyo metelen xubin golaha dhexe ah ayaa Wasiir noqotay nin kale ayuu siinayaa oo uu isagu leeyahay, haddii ay diidaanna Maxkamadda ayaanu tegaynaa, markaa kulankaas wax wanaagsani kama soo bixin”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories