HomeKhudbaddii Uu Xaaji Cabdi-Waraabe Ka Jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska 2004-tii

Khudbaddii Uu Xaaji Cabdi-Waraabe Ka Jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska 2004-tii

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Iyada oo ay dhawaan Ingiriiska booqasho ku tageen wefdi miisaan leh oo ka socday Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen Madaxwyenaha Somaliland iyo marwadiisa, wasiirro, madaxda axsaabta qaranka, saxaafadda IWM. Sidoo kale waxa hore u dhacday in Ingiriiska tageen sannadkii 2004ta wefdi miisaan leh oo ka socday Somaliland. Waxa xusid mudan in Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) uu yahay masuulka keliya ee labada wefdiba la socday, isagoo sannadkaas hore khudbad qiime leh ka jeediyay baarlamaanka Ingiriiska. Khudbaddan oo qayb ka ah Diiwaan ka warramaya Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi oo dhawaan soo bixi doona insha Allah ayaan jeclaystay in aan bulshada u soo bandhigo weedhihii uu Xaaji Cabdi kula garnaqsaday Baarlamaanka Ingiriiska, waana tan:

Amin ku siman 12/March/ 2004ta, waxa dalka Ingiriiska booqasho ugu kicitimay Boqortooyada Ingiriiska wefti aad u ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynihihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin. Xubnaha Weftigan ku wehelinayay Madaxweynaha waxa ka mid ahaa:

  • Marwo Huda Barkhad Aadan, Marwadii Kowaad ee Soomaaliland, ahna marwada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
  • Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sh Madar, Guddoomiyihii Hore ee Golaha Guurtida
  • Siciid Jaamac Cali, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida
  • Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), Guddoomiyeha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida.
  • Cawil Cali Ducaale, Wasiirkii Maaliyadda
  • C/Laahi Maxamed Ducaale, Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta
  • Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirkii Qorshaynta Qaranka

Weftigani markii ay ka dageen magaalada Landhan, waxa si diirran u soo dhaweeyay kumannaan ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, waxaanay ahayd markii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu safar shaqo ku tago Ingiriiska. Muddadii uu waftigu ku sugnaa Ingiriiska waxa uu kulammo la yeeshay madax kala duwan oo ay ka wada hadleen qaddiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Goobaha ugu muhiimsan ee uu wefdigani booqday waxa ka mid ahaa Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, oo ay booqdeen 17/March/2004. Xaaji Cabdi waxa uu ka mid ahaa dadkii ka hadlay Baarlamaanka Ingiriiska, isaga oo jeediyay khubad gar-naqsi ah oo uu dawladda Ingiriiska ugu sheegayo in ay ka gaabiyeen taageeradii ay ummadda Somaliland ka filaysay ingiriiska. Waxa uu sidoo kale Xaaji Cabdi oogta ka caddeeyay in aanu Ingiriisku ka abaalcelin hiilkii ay shacbiga Somaliland siiyeen dagaalkii labaad ee adduunka. Kolkaas oo ay Ingiriiska weerar ba’an ku qaadeen dawladihii Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabbaan oo gaashaanbuur ahaa. Khubaddiisa waxa ka mid ahaa:

“Kolkii Ingiriiska ay qabsatay colaadda Jarmalku dagaalkii labaad ee adduunka. Ingiriisoow maanaan odhan dad iyo duunyaba (cuud) maxaad caawimo dawladaha jaarkaagaa caawimo u weydiisan weydeen?, idin maannan odhan. Dayuuradana adduunkayagii baanu ku iibinnay. Dhallinyaradiina waanu idinku darnay (si ay idiinka barbar dagaallamaan) wax ku dhinta iyo wax ka soo noqdaba. Annagu gobol Ingiriiska ka mid ah baanu ahayn, oo baho ayaynu ahayn. Dee annagu idin maanaan odhan jaarkiinna ciidan weydiista!. Idinku maxaad noo leedihiin Afrikaanka iyo Dawladaha jaarkiinna aqoonsi weydiista?, in aad idinku ugu horreysaan (ictiraafka) ayaanu xaq idiinku leennahay. Xaafad Landhan ka mid ah oo go’doon ah ayaanu nahay. Nin walibana Afrika waxa uu leeyahay intaadaa kaa kala daadan haddaad ictiraafto. Nin waliba intuu isku hayo ayuu leeyahay way kaa kala daadan (Waa Madaxda Afrika e), idinku se baqe ma qabtaane, idinkaanu xaq idiinku leennahay inaad na ictiraaftaan”.

Xaaji Cabdi waxa uu sidoo kale tilmaamay sida ay u adag tahay in shacbi dhan oo tashaday looga hor istaago go’aan ka gaadhista aayahooda, iyada oo Dawladaha Reer Galbeedku xorriyad siiyaan qofku marka uu gaadho 18 Jir. Kolkii uu hadalka dhammeeyay waxa sacab isla oogsaday Xubnihii Baarlamaanka Ingiriiska ee madasha joogay.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories