HomeKhubaro reer Galbeed ah oo ka faallooday Saamaynta Safarka Madaxweyne Muuse Biixi...

Khubaro reer Galbeed ah oo ka faallooday Saamaynta Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Khubaro reer Galbeed ah oo u dhuun-daloosha siyaasadda qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, ayaa ka faallooday muhiimadda uu leeyahay iyo saamaynta siyaasadeed ee dhalan karta safarka uu madaxweynaha Somaliland maanta ku tagay dalka Kenya.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay Isniinta Berri kulan wada yeelan doonaan.

blankKhubaradan ayaa faallooyinka ay ka bixiyeen safarka madaxweynaha Somaliland ee Kenya iyo xoojinta xidhiidhka dibloomasiyadeed ee labada waddan oo warbaahinta Somalilandpost.net soo ururiyey, waxa ay ku eegeen dhinacyada dhaqaalaha, dibloomasiyadda iyo isbeddelka xidhiidhka dibloosiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo xilligan meel xun maraya.

Professor Bruce Berman oo hore macalin uga soo noqday Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, xilliganna ah cilmi-baadhe ku xeel-dheer cilmiga Siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda qaaradda Afrika, ayaa ka mid ah khubarada ka faallootay marti-qaadka dowladda Kenya ee madaxda Somaliland iyo muhiimadda uu leeyahay safarka madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas.

Bruce Berman oo cilmi-baadhisyo khuseeya dhinacyada siyaasadda ka sameeyey waddamada Kenya, Ghana iyo Koonfur Afrika, balse dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Canada, ayaa warbixin kooban oo lagu baahiyey warbaahinta EyeWitness News kaga hadlay xidhiidhka dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo Doorka saamaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Kenya.

Faallada uu khabiirku kaga hadlay arrimahan oo aanu qayb ka mid ah ka soo qaadanay, waxa uu ugu horeyn ka hadlay dhibaatooyinka haysata dalkaasi Soomaaliya iyo doorka xoogagga nabad ilaalinta ee AMISON oo Kenya ku jirto ka geystaan nabadda dalkaas.

blank
Prof Bruce Berman

Prof Bruce Berman waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “Soomaaliya ma jirto hal dhibaato oo haysata, laakiin dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa ah kuwo  lakab lakab isku dul saaran. Dadku waxa ay yidhaahdaan waa ay adagtahay xalinta khilaafka Soomaaliya, laakiin fikirka dhabta ah ayaa ah  in aanay adkayn oo kaliya xalinta khilaafka Soomaaliya, laakiin waa mid aan suurtoobaynin in la xaliyo.

Sarkaal Amisom ka tirsan waxa uu ii sheegay in wakhtigan muhiimadooda aanay ahayn in ay difaacaan dawladda Soomaaliya, laakiin sababta ugu weyn ee ay u joogaan Soomaaliya ay tahay in ay ka ilaaliyaan Alshabaab in ay ku fidaan wadamada ka baxsan Soomaaliya.”

Isaga oo ka hadlayey muhiimadda uu mandaqadda Geeska Afrika u leeyahay Aqoonsi Caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha Caalamka iyo Socdaalka madaxweyne Biixi ku tagay dalka Kenya iyo kulanka dhexmari doona Uhuru Kenyatta maalinta Berri uu yahay mid la wada sugayo natiijada ka soo baxda isla markaana ay dhegaha u taagayaan madaxda mandaqadda oo Soomaaliya ku jirto.

Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi, “Ictiraafka Somaliland ma yaraynayo khatarta Alshabaab, laakiin waxa uu  gobolka ku soo kordhinayaa xasilooni dheeraad ah oo loo baahanyahay.

Kenya iyo Somaliland labadoodaba waxa midba midka kale uu u fududaynayaa waxa uu doonayo, waxa ay ku heshiiyaan Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Somaliland, waa mid ay si fiican dhegaha ugu taagayaan madaxda gobolka iyo qaaradaba.

Safarka Madaxweyne Bihi waxa si degan dhegaha ugu taagaya madaxda Geeska oo ay ku jiraan dawladda Soomaaliya.” Sidaas ayuu Prof Bruce Berman ku yidhi qoraalkiisa.

blank
Brendon J. Cannon

Waxa kale oo socdaalka madaxweynaha Somaliland ee dalka Kenya iyo muhiimadda uu ku fadhiyaba ka faallooday Prof Brendon J. Cannon oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacada Khalifa University ee dalka Imaaraadka Carabta. Prof Brendon, waxa uu ku dooday in maadaama Somaliland iyo Kenya ay labadooduba xilligan xidhiidh la lahayn Soomaaliya ay suurto-gal tahay in xukuumadda Uhuru Kenyatta ku dhiirato inay xafiis dibloomasiyadeed ka furato Somaliland.

Prof Brendon Cannon oo qoraal kooban oo uu arrin kaga hadlay soo dhigay bartiisa Twitter, waxa uu su’aal iska weydiiyey laba qodob oo kala ah Xafiis dibloomasi oo Kenya ka furato Hargeysa iyo suurto-galnimada duullimaad toos ah oo diyaaradda Kenya Airways ka dhexbilowdo magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi.

“Booqashada madaxweynaha Somaliland ee Kenya, waxa aan shaki ku jirin inay labada dhinac ka wada-hadlaan dano badan oo ka dhexeeya iyo inay mowqif isku mid ah ka taagan yihiin Soomaaliya.” Sidaas ayuu Prof Brendon ku sheegay qoraalkiisa.

Khubarada ka faallooday safarka madaxweynaha Somaliland ee Kenya, waxa kale oo ka mid ah John Rosenberg oo ah khabiir ku takhasusay xidhiidh dowladaha Afrika iyo Arrimaha ammaanka oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

blank
John Rosenberg

John Rosenberg waxa uu ka faallooday arrimaha ugu muhiimsan ee laga fili karo kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya, kuwaas oo uu sheega inay ugu muhiimsan yihiin Maalgeshiga iyo dibloomaasiyadda.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey, waxa uu ku yidhi, “Waxaan u arkaa inay tahay ballaadhinta fursadaha maalgashiga”.

Prof Rosenberg waxa uu saluug ka muujiyey xidhiidh dibloosiyadeed ee Kenya oo xafiis ka furata gudaha Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid wakhtigiisa ka soo daahay, xilliganna uu filayo inuu noqon doono midhaha ugu waaweyn ee laga filayo socdaalka madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Kenya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories