HomeKhubaro Itoobiyaan ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka Caawinaya Kor-u-Qaadista...

Khubaro Itoobiyaan ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka Caawinaya Kor-u-Qaadista Bilicda Caasimadda ee ay ku fashilmeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay magaalada Hargeysa soo gaadheen khubaro Itoobiyaan ah oo dejinaya qaabka loo qurxin doono Caasimadda Hargeysa.

Md Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay warbaahinta qaarkeed kula hadlayey Golaha Wakiillada oo uu ku sugnaa, ayaa sheegay inay dalka yimaaddeen khubaro u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay inuu wareejin doono Maayarka Hargeysa si ay u bilaabaan qaabka loo qurxinayo Hargeysa.

Hargeysa1Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde waxa kale oo uu sheegay dalka dibaddiisa laga dalbaday dhir kala duwan oo lagu beeri doono shaaracyada caasimadda, isla markaana ay socdaan dhirtii loogu talo galay in lagu beero gudaha Hargeysa.

“Waxa dalka soo gaadhay Injineero Itoobiyaan ah oo samayn doona qaabka loo qurxinayo caasimadda Hargeysa, waxaanan ku wareegin doonaa maayirka Hargeysa si ay shaqada u bilaabaan, dhirtii lagu beeri lahaana way soo socotaa oo dhowaan ayey imanaysaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Cali waran cadde waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha Laydhadhka iyo kuwa telefoonadu ay ku hawlan yihiin sidii ay dhulka hoostiisa u marin lahaayeen xadhkaha ka laalaada jidadka magaalada hareerahooda, taas oo uu hore ugu amray inay u hawl-galaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hore u iclaamiyey qorshe ay dawladaha hoose ee magaalooyinka dalku ku kobcinayaan bilicda iyo jidadka caasimadaha gobollada, iyada oo wakhtigan caasimadda Hargeysa ay ka socoto hawsha kor u qaadista bilicda caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories