HomeKhubaro Baadhaysa Baaxadda Xasuuqii Rajiimkii Afweyne u geystay Shacabka Somaliland oo hawl-galkoodii...

Khubaro Baadhaysa Baaxadda Xasuuqii Rajiimkii Afweyne u geystay Shacabka Somaliland oo hawl-galkoodii u horreyey bilaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Khubaro Caalami ah oo ku xeeldheer ogaanshiyaha iyo baadhista xasuuqyada ka dhaca dunida, ayaa maanta Hargeysa ka bilaabay hawl-gal ay ku samaynaya baadhitaanno ku saabsan meel ka-dhacyadii Xuquuqda Aadamaha ee Rijiimka Siyaad Bare u geystay Shacabka Somaliland.

Khubarada hawl-galkan samaynaysa oo ka tirsan hay’ad Caalami ah oo ku xeel-dheer baadhitaannada xasuuqyada dunida oo la yidhaahdo Peruvian Forensic Anthropology, ayaa maanta bilaabay qorshaha iyo hawl-gallada ay ku baadi-goobayaan xabaalo-wadareedyo qayb ka ah xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland, waxaana munaasibad lagu bilaabayey qorshahan khubaradan kala qayb-galay, wasiirrada wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta & Aw-qaafta.

blankXaafadda Badhka ee magaalada Hargeysa oo maanta uu ka qabsoomay bilowga hawl-galka lagu raadinayo baadhista xasuuqyadii iyo gaboodfalyadii biniu’aadanimo ee ka dhacay Somaliland oo khubaradan u goolaan doona in ay ka gungaadhaan runta iyo caddaaladda qoysaskii ay waxyeelladu ku soo gaadhay, waxa wasiirrada iyo khubarada ku wehelinayey shakhsiyaad ka tirsan qurbejoogga Somaliland ee dacwadda ku oogay  Jeneral Maxamed Cali Samatar.

Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid  oo ka hadlay kulanka lagu daahfuray hawl-galka khubarada, ayaa sheegay in kooxdaasi  xaafadda Badhka ka bilaabayaan shaqo ku saabsan xogo laga ururinayo sidii uu u dhacay xasuuqii dhaliyey xabaalo wadareedyada, iyadoo khubaradu hawshooda ka bilaabi doona xabaal wadareed dhacdadeedu ku taariikhaysan tahay sanadkii 1984-kii.

Wasiirka oo faahfaahiyey ujeedada baadhitaanka ayaa sheegay inay tahay saddex arrimood oo muhiim ah oo kala ah In warbixin rasmi ah oo xaqiiqo iyo dhexdhexaadnimo ku dhisan laga helo baadhitaanka xabaalo wadareedyadaasi, iyo in baadhitaanka ka bacdi hadhaaga dadkii lagu xasuuqay goobta loo aaso si waafaqsan diinta Islaamka iyo in wax laga barto oo ay ka faa’iidaystaan muwaadiniin reer somaliland ah oo la shaqaynaysa khubarada mudada ay hawshooda ku gudo jiraan si mustaqbalka loo helo dad dalka u dhashay oo qaabilsanaada ama aqoon u leh habka iyo hanaanka loo maro baadhitaanada goobaha noocan oo kale ah.

blankMd. Caydiid waxuu sheegay in baadhitaanka hadda bilaabamayaa uu socon doono muddo bil ah isla markaana ay muddo shan sano ah khubaradani sii wadi doonaan hawshan oo sanadkiiba muddo labo jeer ah iman doona dalka.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo sheegay in aaska dadka xabaalo-wadareedyadaas ku aasan la waafajin doono shareecada Islaamka, waxaanu u soo jeediyey bulshada in khubarada lagu gacan siiyo hawsha baadhitaanka ee ay bilaabayaan.

Cabdi casiis Maxamed Diiriye oo ah muwaadin reer Somaliland oo soo agaasimay hawsha baadhitaanka kana mid ah dadka ay qaraabadoodu ku jiraan xabaalo wadaradeedyadan oo goobta ka hadlay, ayaa ku sifeeyey baadhitaanka ay khubaradani waddo inuu yahay mid markhaati ka noqonaya wixii dhacay  isla markaana si cad loo gelinayo taariikhda.

blankSi kastaba ha haatee, tallaabadan Marka si habaysan loo ururiyo gaboodfalyada iyo xasuuqyada biniaadanimo waxa ay noqonaysaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii diirka looga rogi lahaa runta, loona gaadhi lahaa caddaaladda, waxaanu ururkani (The Peruvian Forensic Anthropology) inuu dalka ka hawl-galo iska kaashaday ururka CJA, dawladda Somaliland, qoysaskii xasuuqu saameeyay iyo guddida baadhista xasuuqa iyo dambiyadii dhacay ee Somaliland.

Roobab laxaad leh iyo daadadkii ay soo rogeen, ayaa sannadkii 1997kii kashifay xabaalo wadareedyo ku yaal duleedka Hargeysa gaar ahaan xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka oo wakhtigaas ahaan jiray qaybtii 26aad ee Ciidamadii Soomaaliya.

Ka dib markii xabaalo-wadareedyadaas la helay sannadkii 1997, waxa isla sannadkaas bishiisii Afraad, waxa qiimayn ku sameeyey ayaa khabiiro ku xeel dheer xaquuqal insaanka, waxaanay khubaradani si gaar ah baadhitaan iyo qiimayn ugu sameeyeen xabaalo-wadareedyo laga helay Malko-durduro iyo xaafadda Badhka, in kasta oo ay jireen goobo kale oo badan.

Khabiiradu waxa ay labada goobood ay ka heleen hadhaagii lafaha dadkii la xasuuqay oo ay muuqatay in la laayay iyaga oo la isku xidhxidhay oo ay xadhka iyo maryaba ka muuqdaan.

Warbixin gaar ah oo ay soo saartay QM sannadkii 2001, ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiishii ka qayb ahaa xasuuqaydaasi in badan oo ka mid ah magangalo u joogaan Maraykanka, Kanada iyo Ingiriiska, waxa keliya ee ilaa maanta sharciga loo horkeenay dambiyadii rajiimkaasi waa janaraal Maxamed Cali Samatar oo loo haysto doorkii uu ku lahaa.

TAARIIKHDA DIB U MILICSO (DAAWO XABAALO-WADAREEDYO LAGA HELAY Hargeysa… 1997)

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories