HomeKhilaafkii ka aloosnaa soo-dhaweynta Ugaaska gobolka Awdal oo xal laga gaadhay iyo...

Khilaafkii ka aloosnaa soo-dhaweynta Ugaaska gobolka Awdal oo xal laga gaadhay iyo weftigii dawladda oo war-murtiyeed ka soo saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankBoorame (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka koobnaa Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay war-murtiyeed ay ka soo saareen magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ku faahfaahiyey natiijada hawl-galkii ay kaga qayb-qaateen xalinta khilaafkii ka aloosnaa soo dhawaynta iyo caleemo-saarka Ugaaska beelaha Samaroon.

Weftiga oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Rays ee magaalada Borama isla markaana ka koobnaa Wasiirrada Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Nuur(Oday), Xogahaya Arimaha Gudaha ee Golaha Guurtida Muxumed Aw Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan, Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, Xildhibaan Yuusuf Cabdilaahi Cawaale, waxay qoraalkooda war-murtiyeedka ah ku soo koobeen afar qodob oo ay kaga hadlayeen gunaanadka khilaafkii muddooyinkan dambe ka dhex aloosnaa beelahan gobolka awdal eek u addaanaa arrinta caleemo-saarka Ugaaska Samaroon.

Ka hor intii aanay warbaahinta u qeybinin nuxurka qraalkaasi Mr Cadami oo halkaa ka hadlay ayaa beelaha Awdal ugu duceeyay, kuna hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay yeeleen saddexda hogaamiye ee Salaadiinta ardaayada Beelaha Samaroon, kuwaas oo guddoomay in heshiis hordhac ah laga gaadho soo-dhaweynta Ugaaska, dabaal-deggiisa ka dibna ay iskaga yimaadaan guud ahaanba caleemo-saarka Gobolka Awdal oo dhami isla markaana sidaa la iskugu raaco Ugaaska.

Axmed Xaashi Nuur (Oday), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsinta Somaliland, oo isaguna ka hadlay Shirkaa Jaraa’id ayaa faafaahin ka bixiyay qodobbada lagu heshiiyay, isagoo carrabka ku dhuftay in wakhtigan xaadirka ah Ugaasku yahay Musharax dhex-yaalla beelaha Samaroon oo aan cidi la tartamayn, islamarkaana looga baahan yahay duqeyda iyo wax-garadka in arrinkiisa, iyadoo loo dhan yahay soo dhaweyntiisa, kadib Geedka lala tago oo la isku waafaqo, soo dhaweyniisa xiliganina ay ku koobnaato beeshii soo abaabushay.
Sidoo kalena, Muxumed Aw Axmed ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyay qodobada heshiiska oo ah mid lagu dhameystiray afartaa qodob.
Qodobada iyo qoraalka ay ku heshiiyeen dhinacyadii is hayay ee ay Xubnaha Dawladda ee maalmahan gobolka ku sugnaa u soo bandhigeen warbaahinta ayaa isaga oo dhammeystiran waxa uu u dhignaa sidan:
“Ku:Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Ku:Madax-dhaqameedyada Beelaha Samaroon
Ku:Maamulka Gobolka Awdal
Ku:Saxaafadda Dawliga ah iyo ta Madaxa-bannaan

Ujeedo: Bayaan Nabadeed
Shirar is-daba-joog ah iyo wada-hadallo gaar-gaar ah & wada-jirba ay u wada yeesheen Wefiga ka socda Dowlada, Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka beelaha Samaroon, waxaa ka soo baxay go’aamadan hoos ku qoran.

1. In aanu hadda jirin Ugaas Beelaha Samaroon caleemo saareen oo ay u dhan yihiin
2. In Musharaxa Ugaaska hada la sugayo aan loo wada dhameyn lagana wada tashanin ee uu ku eegyahay beelaha Makaahiil.
3. Sidaas darteed, waxay sadexda Suldaan ee matalayay beelaha Samaroon isku raaceen in soo dhaweynta Musharaxa Ugaasku ku ekaato beelaha soo sharraxay oo ah Makaaiil.

4. Marka ay soo dhaweyntu dhammaato, waxa lagu heshiiyay in sida dhaqanka soo-jireenka ahaa ee lagu dhiso Madaxdhaqameed in Geedka loo baxo oo laga soo saaro arrin loo wada dhan yahay.

Gudida Dowlada ee Qoraalkana Sexeexay:
1.Muxumed Aw Axmed – (Gudoomiye)
2.Sheekh Khaliif Sheekh Xasan – (Xubin)
3-Caydiid Cabdi Axmed – (Xubin)
4-Axmed Muuse Obsiiye – (Xubin)
5-Yuusuf C/laahi Cawaale – (Xubin)
6-Axmed Xaaji Cali Cadami ­– (Xubin)
7-Axmed Xaashi Nuur (Oday) – (Xubin)

blank

Somalilandpost.net

Xasan Yuusuf (Kaafi)

Kaafi20@hotmail.com

Gabiley, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories