HomeKhilaafkii Golaha Deegaanka Ceel-Afweyn oo la soo Af-meeray iyo Maayar ku-xigeen Cusub...

Khilaafkii Golaha Deegaanka Ceel-Afweyn oo la soo Af-meeray iyo Maayar ku-xigeen Cusub oo la Doortay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceel-Afweyn (SLpost)- Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxay ay Maayar ku xigeen u doorteen Saleebaan Yuusuf Diiriye ka dib markii uu iscasilay Maayar ku xigeenkii Hore ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame, taas oo soo afjartay murankii ka taagnaa dhinaca hoggaanka golaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Fadhigan oo uu Goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaasi ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Madax dhaqameedyo isugu jira Boqoro,Salaadiin iyo Cuqaal.

ceel afweynFadhigan oo ay Goob joog ka ahaayeen 14 mudane oo ka mid ah 17-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ee Degmadaasi ka kooban yahay, waxay Saddex iyo Toban Mudane ku Ogolaadeen Soo Jeedinta Iscasilaada Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Deegaanka ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame oo hore loogu doortay fadhi aan loo dhammayn. Waxaa kale oo ay Cod aqlabiyad ah oo dhan Sadex iyo Toban Mudane ku doorteen in Maayar ku xigeenka Magaaladaasi uu noqdo Saleebaan Yuusuf Diiriye.

Gudoomiyaha Gobolka Md Aadan Diiriye Cigaal oo halkaas ka hadlay, ayaa mahadnaq u jeediyey xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag kuwaasoo uu ku tilmaamay inay had iyo jeer ka qayb qaataan hawlaha ka socda Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu sheegay in si Waafaqsan Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka ay u dhacday Doorashadii hore ee Hoggaanka Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn isla markaana ay jewi degan mar kale ugu hirgashay.

Maayarka Ceel Afweyne Baashe Xandule Warsame, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Sida quruxda badan ee uu ku soo dhamaaday Khilaafkii ka dhex taagnaa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay, waxaanu ballan-qaaday in isaga iyo ku xigeenkiisa Cusubi ay u hawl gali doonaan horumarinta Degmada Ceel-Afweyn.

Boqor Maxamed BoqorAxmed Cali Ducaale oo halkaas ka hadlay ayaa Eebbe uga baryay Maayarku Xigeenka Cusub inuu ku garab galo Mas’uuliyada ballaadhan ee loo doortay, waxaanu ku bogaadiyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka sida ay isugu Tanaasuleen taas oo uu ku timaamay inay Horseedayso Isku duubni, Horumar, Nabad-galyo iyo Midnimada bulshada deegaanka degmada Ceel-Afweyne, waxaanu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac inay isu tanaasulaan, kuna deydaan xildhibaannada Golaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Si kastaba ha ahaatee Maayar ku Xigeenka Iscasilay ee Degmada Ceel Afweyn ayaa tallaaban uu sameeyey waxay la xidhiidhay sidii uu Meesha uga saari lahaa Khilaaf salka ku hayay kala qaybsanaan la soo deristay Golaha Deegaanka ee Degmadaasi oo beel kali ahi markii hore wada-qaadatay Maayarka iyo maayar ku-xigeenka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories