HomeKhilaafka Warshada Sibidhka ee Berbera, Xalkeeda Xukuumada ha loo Daayo

Khilaafka Warshada Sibidhka ee Berbera, Xalkeeda Xukuumada ha loo Daayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Khilaafkii ka aloosnaa warshadda sibidhka ee Berbera ayaa maalmihii ugu dambeeyey meel xasaasi gaadhay, waxaanna loo baahanyahay in xukuumadda ay arrintan si toosa u soo afjarto , isla markaana ay gacanta ku hayso arimaha ku saabsan khayraadka umadda ka dhaxeeya , iyadoo ku hagaysa shuruucda loogu talo-galay in lagu maamulo hantida Qaranka.

Waxaanad moodaa in arrintu ka bilaabantay koox reer Somaliland ah oo xukuumaddii hore ee Rayaale siisay iyo koox kale oo taageersan in ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxaana lagu muransan yahay sidii dib loogu kicin lahaa wershadii Sibidhka Berbera ama mid kale oo cusub looga yagleeli lahaa.

Waxaana aan ognahay in khilaafka warshada sibidhka ee ka taagani uu ahaa arrin muddo dheer soo jiitamaayey, guud ahaana haddaynu nahay qaran wax kasta oo ku soo kordha  Somaliland dawlad ay leedahay, iyadaana laga rabaa inay keento nidaam ama xeerkii lagu kala hago khayraadka dabiiciga ah, khilaafkaasi waa mid halis gelin kara ammaanka.

Waxaana aynu la soconaa in ay  xukuumaddu  u dirtay wefti uu hogaaminayo  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale ( Duur), ayna weheliyaan  Xildhibaanada Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan).

Weftigani ka socda xukuumada ayaa markiiba kulamo kula yeeshay Xarunta guriga martida ee Berbera dhinacyada isku haya dhulka la doonayo in laga dhiso Wershada Sibidhka.

Mar haddaynu Qaran nahay waxa xukuumadda looga baahanyahay inay sharciga ay arinta ku soo dabaasho, waxkastana laga hormariyo degenaanshaha iyo xasiloonida ,cidlastaana kula shaqayso xukuumada, wixii khilaafaad horseedi karana laga digtoonaado.

Waxaana laga maarmaana in waxii  ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah ,aan loo baahnayn in cid gaar ahi maamusho, isla markaana waa in laga fogeeyaa inay maamulaan, shakhsiyaad iyo shirkaddo iwm,  khayraadka dabiiciga ah dadka oo dhanba wada leh, waa inaanay cid gaar ah manafacaadsan, dadkuna waxay ka midaysanyihiin in waxan la wada leeyahay, markaa waxaan leeyahay xukuumaddu iyada ka masuulee waa inay samaysaa maalgelin la wadaago.

Waxaana loo baahanyahay in xukuumadu xal ka gaadho wershada sibidhka Berbera oo hadalhaynteedu badatay, iyadoo ay imika muddo todobaad ku dhow magaaladda Berbera la Ruxmaysay khilaafka arrintaasi oo ka dhex aloosan labo kooxood midna ku doodaysa xukuumaddii hore ee Rayaale ayaa na siisay iyo kooxda kale oo iyaduna tageeraysa Shirkadaha doonaya inay maalgeliyaan wershada Sibidhka.

Qalinkii: Adan Yusuf Cilmi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories