HomeKhilaaf Muddooyinkii u dambeeyey ka Aloosnaa Deegaan ka tirsan Gobolka Maroodijeex Oo...

Khilaaf Muddooyinkii u dambeeyey ka Aloosnaa Deegaan ka tirsan Gobolka Maroodijeex Oo La Soo Af-jaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaanka Deegaanka Qoryaale oo ka tirsan Deegaanka Cadaadlay ee Gobolka Maroodijeex una dhexeeyay beelaha Bariga Hargeysa ayaa si rasmi ah xal looga gaadhay maanta waxaana laga soo saaray qodobbo ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen dhinacyadii isku hayay.

Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi Xaaji Aadan oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Bariga Hargeysa khadka taleefanka ugu warramay laanta warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Cilm-baadhistu waxa uu yidhi, “Khilaafkani waxa uu ku salaysnaa arrin ay laba dhinac isku hayeen kaas oo ay qolo doonaysay in Qoryaale uu ahaado dhul-daaqsimeed, dhinaca kalena ay rabeen inuu noqdo deegaan laga hirgeliyo mashruuc beero ah”.

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Mahad Careej) oo aanu arrinta wax ka weydiinnay, kana mid ah salaaddiinta Bariga Hargeysa ee xog-ogaalka u ahaa hawshan ayaa waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay leedahay dhulal ah ban, buuro iyo deegaanno bulshadu u wada siman tahay oo dadka ka dhexeeyay illaa xilligii dawladda Soomaaliya iyo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland, banka Qoryaale-na kuwaas ayuu ku jiraa. Waxa aanu isla qaadannay labadayada dhinacba in uu ahaado deegaankaasi dhul-daaqsimeed ummadda u dhexeeya, kaddib markii la galay garnaqsi iyo wada-hadal”

Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi Xaaji Aadan oo khadka taleefanka ugu warramay laanta warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Cilm-baadhistu waxa uu yidhi “Khilaafkani waxa uu ku salaysnaa arrin ay laba dhinac isku hayeen kaas oo ay qolo doonaysay in Qoryaale uu ahaado dhul-daaqsimeed, dhinaca kalena ay rabeen inuu noqdo deegaan laga hirgeliyo mashruuc beero ah”.

Waxa la go’aamiyay

1. In deegaanku ahaado dhul-daaqsimeed bulshada u siman

2. Qoladii doonaysay inuu noqdo mashruuc beero ah oo gef samaysay waxa lagu ganaaxay lacag dhan 500,000 (Shan milyan Somaliland Shiling) iyo

3. In si nabad ah loogu wada noolaado deegaanka iyada oo dadku u siman yihiin”

Ugu dambayntii bahda Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista Somaliland waxa ay bogaadin u dirayaan ergada ka shaqaysay isu-soo dhaweynta Beelaha walaalaha ah ee arrinka ku soo dabbaalay nabad-gelyada iyo tanaasulka aynu ku dhisannahay. Si gaar ah waxa aannu hambalyo ugu diraynnaa guddidii ka odayeeyay khilaafka Qoryaale oo ka socday Beelaha (Habar Kaliil/Isaxaaq).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories