HomeKhilaaf ka dhashay eedayntii loo jeediyey Wasiirka Macdanta & Biyaha oo isaga...

Khilaaf ka dhashay eedayntii loo jeediyey Wasiirka Macdanta & Biyaha oo isaga oo weji kale leh dhex miranaysa Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)-Xildhibaanno ka tirsan guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland ee Qaabilsan Xannaanada Xoolaha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ayaa u kala saftay labada wasiir ee Maaliyadda iyo Macdanta iyo Biyaha oo todobaadkii hore khilaaf cakiran ku dhex maray isku haynta hanti-qaran oo wasiirka macdanta lagu eedeeyey inuu lunsaday.

blank
Xildhibaan Xariir

Guddoomiyaha Guddiga hoosaadkan Md. Siciid Maxamed Cilmi ayaa Laba todobaad ka hor Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ku eedeeyey inuu sifo sharci-darro ah dalka uga raray saddex markab oo macdan ah taas oo dhalisay inay cirka ku sii shareerto fadeexado lunsi hanti-qaran ah oo wasiirka Macdanta iyo Biyaha loo jeediyey.

Iyada oo taasi jirto, waxa maanta magaalada Hargeysa Shir jaraa’id ku qabtay xildhibaan ka tirsan guddi-hoosaadka Guddiga Kheyraadka Dabiiciga, Xildhibaan Xariir Siciid Bullaalo kaas oo naqdiyey eedo uu Guddoomiyaha Guddigoodu u jeediyey Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

Xildhibaan Xariir oo ay isku hayb yihiin Wasiirka la eedaynayo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahay wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen C. Ducaale loo jeediyey ee lagu sheegay inuu si sifo sharci darro ah dalka uga raray sadex markab oo macdan ah, isla markaana cadeeyey inaan Guddoomiyaha Gudi hoosaadkaasi ku metelin Gudidooda eedaha uu u jeediyay wasiirka macdanta iyo biyaha.

Xildhibaan, Xariir Siciid Bulaalle oo daba socday eedo hore Guddoomiyaha Gudidooda ugu jeediyey wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen C. Ducaale, ayaa sheegay, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo war ka soo baxay Guddoomiyaha Gudidda xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda oo aniguna xubin ka ahay  gudidaasi. Guddoomiyaha Gudidaasi wuxuu ka hadlay oo ku eedeeyay Wasiirka macdanta iyo biyaha inuu raray sadex markab oo macdan ah, isla markaana weydiiyey heshiiskii uu la galay Ha’yado caalami ah iyadoo aanu jirin baatrool aynu leenahay oo la tixraaci karaaba, isagoo ku hadlaya afka Gudida.” Isagoo raaciyey, “Guddoomiyaha Gudidaasi eedaha uu u jeediyay Wasiirka macdanta ee uu yidhi lacag buu lunsaday iyo macdan buu raray ee ku hadlayay magaca Gudidda wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiro, waxaan leeyahay afka uu ku hadlay ma aha afkii gudidda, Gudida xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ahna wax colaad ah oo ka dhaxaysa wasiirka macdanta iyo biyuhu ma jirto. Heshiisyadda uu galo Wasiirkuna anagu umana tagi karno mana waydiin karno oo ma odhan karno heshiiskii aad la gashay Ha’yadaasi ama wadankaasi keen, waayo shaqo aanu ku leenahay ma jirto. Wasiirku heshiiska uu galo wuxuu u gudbiyaa Golaha Wasiirrada cida kaliya ee aanu xaq u leenahay inaanu weydiinaa waa madaxweynaha. Wasiirka tallo iyo wax isku sheeg mooyaane’e wax kale oo naga dhaxeeyaa ma jirto.”
Xildhibaan Xariir S. Bulaale oo ka hadlaya sababta marka horumar loo dhaqaaqaba loo hordhigayo caqabado ayaa yidhi, “Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gudi hoosaadkayaga waa markii labaad ee iyadoo horumarin loo sameynayo deegaanada aan ka tirsan nahay uu geliyo khal khal. Xiligii xukuumadii hore wuxuu eedahan oo kale u jeediyay Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha imikana wuu ku celiyay, waxaan isleeyahay waxa uu guddoomiyahagu hadalkan u yidhi wuxuu warbixin siinayaa cid kale,”ayuu yidhi.

Xildhibaan Xariir waxuu ugu baaqay Gudoomiyahooda in haduu khaladaad arko waajib tahay inuu soo hordhigo fadhi guddidu u dhan tahay, oo marka lagu qanco go’aan guddi lagu soo saaro, ugana digay inuu mar kale ku kaco talaabadaa oo kale hadaanu meel kale ku xidhnayn, “Waxaan leeyahay Guddoomiyahayagu ha ka waantoobo khaladaadka iska daba tagaya, warbixinaha uu bixinayana waanu haynaa, oo cid buu wakiil u yahay sidaan anigu qabo. Guddoomiyahayagu wuxuu xaq u leeyahay haddii uu khalad arkay inuu Guddidii inta uu u yeedho tuso khaladaadkii. Markaa iyadoo Gudidii u dhan tahay aanu tallaaabo ka qaadno,”ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories