HomeKhidmadda Xukuumaddu ku kordhisay Maxjarrada oo Culeys ku keenay dhoofka Xoolaha...

Khidmadda Xukuumaddu ku kordhisay Maxjarrada oo Culeys ku keenay dhoofka Xoolaha iyo Cabashada Ganacsatada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost) Ganacstada xoolaha ka dhoofisa dekedda magaalada Berbera, ayaa maalmihii u danbeeyay cabasho ka muujiyay caqabado ka soo wajahay khidmad xukuumaddu ka qaadan jirtay Maxjaradda xoolaha oo la kordhiyay.

Tobankii casho ee u danbeeyay waxa hoganayay xeryaha adhiilaha magaalada Berbera adhi tiradooda lagu qiyaasay 75000 neef, waxaana lagu guda jiraa xiliga xoolaha u badan ay dhoofaan dekedda Berbera, Waqtigaas oo inta badan ganacsatada xoolaha dhoofisaa ku mashquulsanyihiin dhoofinta xoolaha ayaa hadaba todobaadkan u daneeyay waxa soo foodsaartay caqabad, waxaana dhacday in xukuumadu kordhisay khidmadii ay ka qaadan jireen maxjarrada Berbera ku yaala.

blankArrintani waxa ay sababtay in hawshii raridda xooluhu istaagto ilaa hadana aan xal laga gaadhin. waxaana todobaadkan gudihiisa dalka soo gaadhay wakiilka shirkada aljaabiri Xasan Al Xasaani oo dalka u yimid sidii isbedelka xukuumada ku dhacay wixii ay hore ugu heshiiyeen uga wada hadli lahaayeen.

Ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa aad uga welwelsan caqbadahan lagu soo beegay xiligii xoolaha ugu badan Somalilad laga dhoofin jiray lacagta adagna dalka ka soo gali jirtay, waxaanay qaarkood leeyihiin oo ay ka digayaan hadii aanay xukuumadu ka noqon lacagta ay ku kordhisay maxjarada oo iyaguna dusha ka sii fuulayaan in xoolahooda ay kula wareegi doonaan dekadaha dariska ah, hadii sidan xukuumadu ku adaysato.waxaanay doodooda ku sababeeyeen ganacsatadu culays intaasi ka badan aanay qaadi karin. waxaanay sheegeen in mudadan wax ka badan aanay xooluhu u adkaysan karin kulaylka magaalada Berbera. Culayskaas ayaanay ganacsatada xooluhu ku tilmaameen caqabad hor leh, iyaga oo sheegay inay ku jiraan xili Xagaa ah oo aad u kulul oo aanay xooluhu u adaysan karin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories