HomeKhatarta Isbahaysi Militari Waxa Lagaga Hortagi Kara Isbahaysi Kale

Khatarta Isbahaysi Militari Waxa Lagaga Hortagi Kara Isbahaysi Kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankRa’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed doorashadiisii kadib wuxuu ku baaqay in uu ka shaqayn doono sidii dalalka Bariga Afrika la isugu furfuri lahaa, wuxuu ku doodayay in ganacsiga, isku socodka iyo isdhexgalka bulshooyinka gobolku wax weyn ku soo kordhin karaan horumarka iyo koboca dhaqaalaha si looga soo kabto dib u dhacii iyo saboolnimadii dalalka gobolka ragaadiyay.

Ra’isal wasaaruhu wuxuu aamminsan yahay aakhirkana in ay ku midoobi doonaan dallad (umbrella) ama dawlad qudha. Inkasta oo meelaha qaar laga soo dhaweeyay haddana dad badan iyo dawladaha jaarka ah qaarkood ayaa ku tilmaamay mala awaal iyo aragti xaqiiqada ka fog.

Ra’isal wasaare Abiy Axmed fikraddiisii hore haddana wuxuu ku bedelay kala qaybinta dalalkii uu doonayay in uu mideeyo, wuxuu sameeyay isbahaysi militari oo ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Waxa lala yaabay sida looga reebay ama looga maarmay jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo ah dalka Itoobiya ugu muhiimsan dalalka mandaqadda oo dhan.

Itoobiya waxa ay dhoofiso iyo waxa u soo dega 90% waxay u maraan dekedda Jabuuti si kale haddii loo dhigo Jabuuti waa dhuunta Itoobiya waxayse ka doorbideen Farmaajo iyo Soomaaliya oo jaarnimada ka sakow aanay wax dan ahi ka dhaxayn. Farmaajo waxba ku soo kordhin maayo isbahaysiga laakiin, waxa loo rabaa xeelado kale iyo in uu dabadhilif u sii ahaado waana sababaha Abiy iyo Afwerki ugu ololaynayaan sir iyo caad ba in uu xukunka Soomaaliya dib ugu soo laabto mar kale.

Maxaa waddamada qaar u samaystaan isbahaysi militari?

Waxay u samaystaan cabsi ay ka qabaan quwado ama isbahaysiyo kale. Ra’isal wasaarihii hore ee Boqortooyada Ingiriiska Mr Harold Macmillan wuxuu yidhi “alliances are held together by fear, not love” Ama waxa loo samaystaa damac, dhul balaadhsi iyo in lagu duulo dawlado kale.

Haddaba isbahaysiga Abiy Axmed iyo Isiais Afwerki lama odhan karo waxay ka samaysteen cabsi ay ka qabaan Jabuuti, Somaliland, Kenya ama labada Soodan laakiin, isbahaysigoodu waa sida kale.

Muwaadin aan ku xasuusiyo hadallo walaacooda leh oo ka soo yeedhay ra’isal wasaaraha Itoobiya iyo taliyaha ciidamada Jeneral Birhane Julla oo aan qarsan damacooda badaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee haddii xasaradaha ka socda meelo ka mid ah gudaha Itoobiya iyo dagaalka gobolka Tigreegu aanay hakin ama aanay wax ka bedelin qorshihii hore wakhti aan fogayn waxa la arki doona biyo dhaca u jeedooyinkii isbahaysiga iyo gaar ahaan wuxuu ku taamayay Abiy Axmed. Waxa soo ifbixi doona fadeexado iyo heshiisyadii laga saxeexday Farmaajo ee badda Somalia/Somaliland oo lagu illaawi doono sheekadii badda Kismaayo.

Damaca iyo isla weynida Abiy iyo Afwerki wuxuu khatar ku yahay dhammaan dalalka Geeska Afrika oo dhan, sidaa daraadeed madaxda dawladaha la iska bahaystay ama loo heshiiyay iyagana waxa la gudboon in ay samaystaan isbahaysi ay kaga hor tagaan dhibaato kaga iman karta dhinaca kale, haddii aanay awoodi karinna waxa lagama maarmaan ah in ay si wada jir ah (Ismaaciil Cumar Geelle, Uhuru Kenyatta, Silfakiir, Biixi iyo janaral Burhan) u gudbiyaan qoraal ay kaga dalbayaan in ay faahfaahin iyo sharaxaad ka bixiyaan u jeedada dhabta ah ee is xulufaysigooda iyo baahida ku kalliftay isbahaysi lagu sii kala qaybinayo xubnihii urur gobolleedkii IGAD.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories