HomeKhatarta Cudurka Ebola oo laga Cabsi qabo inuu Soomaaliya u soo Maro...

Khatarta Cudurka Ebola oo laga Cabsi qabo inuu Soomaaliya u soo Maro Ciidamada AMISOM

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Muqdisho (SLpost)- Ciidamada AMISOM ee hawl-galka nabad-ilaalineed ku jooga Soomaaliya oo qaarkood ka socdeen waddamada Galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa la cabsi qabaa inay dalkaasi Soomaaliya iyo mandaqadda Geeska Afrika u soo gudbiyaan cudurka Ebola oo fara-baas ku haya Afar waddan oo ku yaala galbeedka qaaradda oo ay ka mid yihiin Sierra Leone, Nigeria, Libera iyo Guinea

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalkaasi Soomaaliya waxa ka mid ah ciidamo ka socda dalka Sierra Leone oo ka tirsan waddamada Galbeeedka Afrika ee Xannuunka Ebola sida ba’an u saameeyey shacabkiisa, iyada oo ay ilaa hadda xannuunkan u dhinteen dad tiradoodu ka badan 700 qof oo u kala dhashay afartaas waddan.

Ciidamo dheeraad ah oo loo qorsheeyey in lagu biiriyo Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, lana doonayey bishan dabayaaqadeeda in laga keeno dalka Sierra Leone, ayaa la joojiyey si looga hortago in xannuunkaasi uu soo gaadho gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Agaasimaha Guud Hay’adda Qaramamada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr Margaret Chan, ayaa kulan ay isugu yimaaddeen shalay madaxweynayaasha Afarta Waddan ee xannuunkani saameeyey, waxa uu ka sheegay in fiditaanka Cudurka Ebola uu ka dheereeyey dedaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo.

Kulanka madaxweynayaasha Afarta waddan ee Guinea, Nigeria, Liberia iyo Sierra Leone oo ka dhacay caasimadda dalka Guinea ee Conakry shalay Jimcihii, waxa ay Dr Chan kaga dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo lagu waajaho saamayn cudurkaasi ku yeesho waddamada kale ee qaaradda Afrika. “Haddii xaaladdu sidan ka sii xumaato, waxa ka dhalan doonta masiibo bani’aadamnnimo oo saamaysa xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee dalalka qaaradda iyo khatar ka dhalata in cudurku ku faafo waddamada kale,” ayey tidhi haweenayda madaxda ka ah WHO.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay diyaareen 100 Milyan Dollar oo lagaga hawl-galayo la-dagaalanka Viruska Ebola, taas oo lagu kharash-garayn doono xarumaha iyo shaqaalaha caafimaad ee waddamada uu xannuunnkani sida ba’an u saameeyey.

Dhinaca kale, waxa la hakiyey kulamo qayb ka ah is-reeb-reebka ciyaaraha waddamada ku jira Daladda Barwaaqo-sooranka ee Qaaradda Afrika, kuwaas oo qaarkood ka qabsoomi lahaayeen waddamo ka tirsan Galbeedka Afrika, taas oo soo baxday ka dib markii mid ka mid ah ciyaartoyga dalka Sierra Leone lagu arkay astaamaha cudurka Ebola.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories