HomeKhasaare Soo Gaadhay Dhismaha HUBAAL ee Xukuumaddu Xayirtay & Mas’uuliyiinta Wargeyska oo...

Khasaare Soo Gaadhay Dhismaha HUBAAL ee Xukuumaddu Xayirtay & Mas’uuliyiinta Wargeyska oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wargeyska Madaxa banaan ee HUBAAL ayaa khasaare soo gaadhay kadib markii laga war helay qaybo ka mid ah Deyrkiisa oo Dumay, iyo dilaac  ku dhacay dhismaha laftiisa.

Khasaarahan ayaa laga war helay Maalinnimadii Sabtidii dorraad xilli ay wargeyska Hubaal Dhibane u yahay Dakannooyin Xayiraad, xukunno iyo ganaax kale isugu jira ay xukuumadda Somaliland u geysatay, isla markaana ay tan iyo 12kii June ee sanadkan oo Xayiraad lagu soo rogay Xarunta Wargeyska ay dhex degen yihiin Ciidammo  dawladda ka socdaa, kuwaas oo aan cidna u ogolayn in guda loo galo dhismaha.

Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo  ka hadlay  arrintan ayaa xaqiijiyey in khasaaraha soo gaadhay xaruntooda gaar ahaanna wajahadii dembe ee dhismaha oo ay sheegeeni n qayb weyni dunsan tahay,  illaa haatanna aanay ogayn  goorta uu dumay iyo sida sababta rasmi ahaan uu u dumay. Tifaftiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) oo  ka warramay arrintan ayaa sheegay in uu ka war helay maalinnimadii Sabtidii isla markaana uu tegey xarunta “Markii la ii sheegay subaxnimadii Sabtidii shalay (dorraad) markiiba waan tegey xarunta oo sida laga war qabo ay dhex degen yihiin Ciidamo boolis ah oo illaa xayiraadii bishii hore nalagu soo rogay jooga.  mid kamid ah oo aan weydiiyey  goorta  dumay iyo Sababtiisana, waxa uu ii sheegay in  uu goor habeennimo ah iska dumay deyrku “. Sidaa ayuu yidhi tifaftiruhu, waxaanu intaa ku daray in ka sokow deyrka dunsan ay jiraan dil-dilaacyo soo gaadhay qaybo kamid ah Dhismaha wajahadda hore ee wargeyska, “Dilaacyo kale ayaa jira oo soo gaadhay Wajahadda hore ee dhismaha iyo xaggiisa dembeba, illaa haatanna ma hayno sabab rasmi ahaan aanu ku qanacsannahay  oo khasaarahan na soo gaadhay loo tix raaco,  kaasoo aanaan garanayn xataa xafiisyada guduhu sida ay wax u qabaan, maadaama oo aan la ogolayn  in aanu galno xafiisyadda  gudaha oo agabkii wargeyska iyo qalab kale oo xataa Mobilladayadii ku jiraan  ku dhex qufullan yihiin, tan iyo markii xukuumaddu naga dareerisay”.

Maareeyaha-iyo-Tifaftiraha-HubaalDhinaca kale Maareeyaha wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) ayaa Sheegey in  Curashadii wargeyskooda oo Haatan laga joogo muddo sanad ah ay sanad guuraddiisa ku xusayaan Xayiraad iyo Cabudhin Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso, iyo Xadhig iyo Ganaax loo gaystay laftooda, “Cadadkii u horreeyey ee Wargeyska Hubaal waxa uu ifka u soo baxay 20-kii bishii Julay ee Sanadkii hore (2012), Haatanna waxa laga joogaa Muddo sanad ah markii aanu aasaasnay wargeyska, waxaana ay ku soo beegan tahay iyadoo la haysto Meeshayadii, oo ay xayiran tahay, iyo Xukunno xadhig iyo ganaax ah oo nalagu riday aniga (Calooley) iyo Tifaftirihiiba (Keefkeef), Waxaana Markhaati laga yahay in Xukuumaddu na hagar daamaynayso mar kasta, welibanna halkii ay sharciga ka ilaalin lahayd iyadu ku tumanaysa oo cid walba uga dhaw dahay. Annagu waxanu leenahay Ummadda Somaliland ayaa Markhaati nooga ah dakanooyinka nagu dhacay oo dhanna, Haddii maanta xukuumadda Siilaanyo  saddex jirsatay oo ay damaashaadayso annaguna waxaanu ku xusaynaa sanad guuradayada Cabudhin iyo Xukun iyo xadhig” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories