HomeKhasaare Baahsan oo ka dhashay Roobab Duufaanno wata oo galabka ka da’ay...

Khasaare Baahsan oo ka dhashay Roobab Duufaanno wata oo galabka ka da’ay Hargeysa iyo Koronto la’aan baahsan oo ka jirta Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NewsHargeysa (SLpost)- Roobab Duufaanno wata oo maanta gelinkii dambe ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa sababay Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur uu u geystay dhismayaal faro badan.

Roobabka duufaannada wata oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu horreeyey noocood ee inta la ogyahay ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa bilaabmay abbaaro 5:15 gelinkii dambe ee maanta, kuwaasoo socday ilaa wakhti yar ka hor xilliga Afurka saacadda magaalada Hargeysa.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay roobabka duufaannada wata, haseyeeshee waxa ay wararku sheegayaan ilaa saddex qof oo dhismayaal ku dumeen ayaa ku geeriyooday, halka ay tiro beeleen dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen ee la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa balse lama oga tirada dadka dhaawacyada ka soo gaadheen khasaaraha roobabka ka geysteen magaalada Hargeysa.

Roobabka ayaa khasaare u geystay dhismayaal tiro badan oo isugu jira kuwa shacabka iyo kuwa dowladda, waxaana burburka soo gaadhay dhismayaasha u badan dugsiyada Dowladda oo dabaysha roobku ka qaadday jiingadda, halka sidoo kale ay jiraan dhismayaal roobku dumiyey.

Waxa kale oo roobabku khasaare u geysteen biraha korontada iyo telefoonada ku xidhan yihiin kuwaas oo dhammaantood ku soo dumay jidadka waaweyn ee magaalada, waxaanay tani sababtay in 90% ay magaalada Hargeysa caawa noqodo koronto la’aan. Sidoo kale roobabka ayaa khasaare u geystay taawarrada shirkadaha is-gaadhsiinta iyo telefoonnada.

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa immika ka hadal khasaaraha ka dhashay roobabka duufaanta wata, in kasta oo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo gurmad ah oo ay wadaan shaqaalaha gurmad caafimaadka cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories