HomeKhasaaraha Qaraxyo Ka Dhacay Maraykanka iyo Madaxweyne Obama oo aan Cid gaar...

Khasaaraha Qaraxyo Ka Dhacay Maraykanka iyo Madaxweyne Obama oo aan Cid gaar ah Ku Eedayn dhacdadaas

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Boston (SLpost)- Qarax Xooggan oo ka dhacay jidka JFK ee magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee Maraykanka oo uu ka socday tartan Maaratoon ah, ayaa sababay dhimashada inta la ogyahay laba qof Dhaawac gaadhaysa 24 qof.

Ciidamada Ammaanka magaalada Boston ayaa sheegay in khasaaruhu ka dhashay laba qarax oo kala horeeyay oo mid ka mid ahi ka dhacay Maktabad ku taala Jidka JFK ee magaaladaas halka ka kalana qarxay markii orodyahanadu ay soo gaadheen Leynka lagu dhammeynayey orodka oo dhowr tallaabo u jiray meesha ay maktabaddu ku taallo.

Madaxwaynaha wadanka Maraykanka Barack Obama oo dhacdadan ka hadlay, ayaa sheegay inay cadaaladu shaqo adag ka qabsan doonto cidii ka dambeysay qaraxyadaas Caawa fiidnimadii saacadda Bariga Afrika ka dhacay magaalada Boston.

Boston Marathon explostion“Wali ma ogin ciddii waxan samaysay iyo sababta midna, dadkuna yaanay iska mala awaalin warka u dambeeya , ilaa inta aanu xaqiiqda oo dhan wada helayno, laakiin khalad samayn mayno, ilaa gunta waanu soo heli doonaa, qofkii falkan ku kacayna waanu soo qaban doonaa,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Obama oo hadlay wax yar kadib qaraxaas. Isagoo tacsina udiray , qoysaska dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay, amaanaynay gurmadayaashii degdega ahaa.

“Waanu ogaan doonaa sababta ay waxan u sameeyeen. Qof kastoo masuul ka ahaa, koox kastoo ka dambeysay waxa la marin doonaa cadaalad xoog dhamaystiran leh” ayuu hadalkiisa raaciyey Obama.

Boston Marathon explostion2Madaxeyne Barack, ayaan isticmaalin sidii caadada u ahayd masuuliyiinta USA, kalmadda Argagixiso intii uu hadlayay , waxaanu kulamo degdeg ah la yeeshay, masuuliyiinta ugu saraysa amaanka wadankaasi.

Guud ahaan wadanka ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyey, waxaanay qaraxyadani ku soo beegmayaan xilli uu safar ku tagayo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayo, oo martiqaad ka helay masuuliyiinta Maraykanka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories