HomeKhasaaraha Qaraxyo Daran-doorri ahoo maanta Gilgilay Magaalada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay...

Khasaaraha Qaraxyo Daran-doorri ahoo maanta Gilgilay Magaalada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarradaas

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Muqdisho (SLpost)- Qaraxyo kala duwan, khasaare nafeedna sababay, ayaa maanta gigilay qaybo ka mid ah magaalada Muqidisho ee Xarunta dalkaasi Soomaaliya.

Qaraxyadan oo ay fuliyeen naftood hurayaal walxaha Qarxa isku soo xidhay, ayaa sidoo kale waxa weheliyey weerarro loo geystay meelo ay ka mid yihiin maxkamadda gobolka Banaadir oo ku gudo-jirtay hawl-maalmeedka caadiga ah iyada oo dadweyne badan ku sugnaayeen.

Kooxo hubaysan, ayaa xoog ku galay Gudaha Maxkamadda, iyada halkaas ay ka bilaabmeen is-rasaasayn dhex-martay kooxdaas iyo ciidamadii ammaanka ee Maxkamadda ku sugnaa.

Daryanka Rasaasta iyo Qaraxyada ka dhacayay Gudaha Maxkmada Gobolka Baaadir ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlaayo Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, gaadhi nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo laga soo buux dhaafiyey waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Maxkamadda iyada oo uu weli socda is-rasaasaynta dhexmartay dableyda iyo ciidamada, iyada oo wakhti kooban ay kooxdaasi la wareegeen xarunta Maxkamadda ka hor intii aanay ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda Soomaaliya soo gaadhin goobta.

Khasaaraha dhimashada ka dhashay weerarka iyo Qaraxa Maxkamadda ayaa ilaa hadda inta la ogyahay lagu sheegay inay kordhaafayaan 20- qof halka dhaawacuna tirabeelay.

Dhanka kale, Gaadhi la sheegay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa gelinkii dambe ee maanta ku qarxay agagaarka waddada isku xidha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska Km4 ee magaaladaas. Wararka Qaraxan la xidhiidha ayaa la sheegay in lagu fuliyey gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyey oo uu waday nin naftii hure kaas oo lagu dhuftay gaadhi kale oo ay wateen howlwadeeno ka tirsan heyadaha dowlada Turkiga oo halkaas marayey, waxaana halkaas ku dhintay laba ka mid ah shaqaalaha Turkiga oo meydkooda laga soo saaray gaadhigooda oo gubtay.

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirtay dawladda Soomaaliya, ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarada mowjadaha ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories