HomeKhasaaraha ka dhashay Shil-Baabuur oo ka Dhacay Magaalada Burco iyo Tirada Shilalka...

Khasaaraha ka dhashay Shil-Baabuur oo ka Dhacay Magaalada Burco iyo Tirada Shilalka iyo Khasaaraha todobaadkii u dambeeyey Somaliland ka dhaca

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Wershadda Taydha Ileys iyo Hotel City Plaza ee magaalada Burco, ayaa sababay dhaawaca todoba qof oo qaarkood xaaladdooda caafimaad aad u  culustahay.

Shilkan oo ay sababeeyey saddex baabuur oo Laba ka mid ahi yihiin nooca Xamuulka Qaada  iyo baabuur Surf ah, ayaa sababay inay ku dhaawacmaan todobo qof, kuwaas oo wakhtigan xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka Guud ee magaalada Burco.

Ciidanka ilaalada Nabad-Galyada Wadooyinka, guddomiye ku xigenka gobolka togdheer iyo Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka Burco iyo masuliyin kale, ayaa isla markiiba gaadhay goobta Shilku ka dhacay.

gaadiidGuddoomiye ku xigeenka G/Togdheer Maxamed Maxamuud Yusuf (Ubaxle) oo ka hadlay shilkani sababay dhawaca ayaa xusay inay ciidanka nabad-galyada waddooyinku ay wadaan sidii uu u dhacay Shilkani.Waxaanu Gudomiye ku xigeenku ciidanka wadooyinka usoo jediyay inay kiiskaasi si wafaqsan sharciga u qaadaan.

Mr Ubaxle ayaa sidoo kale ka dhawajiyay in Todobada Qof ee ku dhawacmay Shilkaasi ay afar ka mid ah ay yihiin kuwo ay Halis tahay Xaaladooda Caafimaad halka Sadexda kalena dhawacoodu Fudud Yahay.

SHILXildhibaan Shiine Faliidh oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Burco oo isna ka hadlay Goobta dhacay shilkani, ayaa Darawalada wada gadiidka kala duwan ugu baaqay inay ka taxadaraan wakhtiga ay ku jiraan Taraagga iyo wakhtiga ay marayaan magaalooyinka Gudahooda.

Maaha markii u horreysay ee Shil noocan ahi ka dhaco agagaarka Wershadda Taydha ee Ileys ee magaalada Burco, waxaana dhowr dhowr jeer oo hore ka dhacay Shilal baabuur oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ka dhasheen.

gaadiiddDhanka kale, todobaadkii hore ayay ahayd markii shilal baabuur oo kala duwan ka dhaceen Jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa iyo sidoo kale Gagoori iyo Laascaanood.

Shilka ka dhacay Hargeysa iyo Gebiley Dhexdooda, gaar ahaan deegaanka Cara-Yaanbo ee Duleedka Arabsiyo, ayaa waxa ku dhintay todoba qof Qof halka lix kalena ku dhaawacmeen, ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo xamuul ah.

Sidoo kale shilka ka dhacay duleedka degmada Yagoori, oo ay ku dhaawacmeen lix qof, ka dib markii Markii ay is galeen laba Baabuur oo Noocoodu kala Yahay Toyota Landcuriser uu leeyahay Taliyaha Saldhiga 7aad ee Ciidamada Qaranka iyo Gaadhi Noociisu yahay Mini Bas oo Rakaab siday.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories