HomeKhasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Beegsaday Afaafka Hore Ee Hotel Central Ee...

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Beegsaday Afaafka Hore Ee Hotel Central Ee Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLP)- Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaadhi waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ku qarxay afaafka hore makhaayad lagu magacaabo Banoda oo cunnada laga cuno oo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsan, iyadoo ay halkaas gaadheen ciidammo fara badan oo kuwa dawladda Soomaaliya ka tirsan.Qarax_Muqdisho_ka_Dhacay (2)

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobtaas lagu arkayay, iyagoo qaadaya maydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxan oo firirkiisu ay gaadheen meelo fog, waxaana goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacayay dad aad u fara badan oo qaarkood cuntaynayay.

“Waxaanu illaa hadda qaadnay maydadka 11-ruux iyo dhaawaca labaatameeyo kale, welina wuu socdaa gurmadkii aanu u fidinayay dadka ay dhibaatadu soo gaadhay,” ayuu yidhi mid ka mid ah darawallada wada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Hotel Central ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada iyo dhaawacyada xubno ka tisran dawladda federaalka Soomaaliya iyo shacab halkaas salaad ku tukanayay.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii hore Al-shabaab ay ku qaadday weerar dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada AMISOM.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories